Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Ciidamada Kenya Oo Afka Saaray Wadada Aada Degmada Jilib Ee Ka Tirsan Maamulka Jubaland

Thursday - Feb 6, 2014

Kisimaayo- Wararka laga helaayo Jubbooyinka, ayaa waxay sheegayaan in Ciidan xoogan ay ku dhaqaaqeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay gacanta ku heyso Al Shabaab.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan hawlgalka Amisom  ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay u jiheysteen wadada aadda Degmada Jilib.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay Ururka Al Shabaab kala wareegaan gacan ku heynta Degmada Jilib, iyadoo uu qasdigu yahay in culeys la saaro Ururka Al Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay, ayay Taliska Amisom ka tashanayeen taatikooyinkii lagu weerari lahaa Shabaabka ka arrimiya Gobolada Jubooyinka.

Lama oga Ciidamada Kenya sida ay ugu suura galeyso in ay Alshabaab kala Wareegaan Degmada Jilib, maadaama Ururka Alshabaab ay ku meereystaan  Meel kismaayo U jirta 15 KM.