Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Financial Times: M/weyne Xasan Oo Qiray In Drs. Yusur Abraar Ay Musuq-Maasuq Dartiis Isku Casishey

Saturday - Feb 8, 2014

Gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somalia Drs Yussur Abraar sababihii ay isu casishey waxa ay ku sheegtey in madax dowladda ka tirsan ay weydiisteen in ay u saxiixdo lacago Soomaaliya kaga xayirnaa Akoono bangi (Bank Accounts) in loo xawilo Akoono kale,  taasi oo micnaheeda yahay in lacagta Somalia u taalo aduunka lagu shubo akoono si gaar ah loo leeyahay.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysey qiray jiritaanka arrinkani, wuxuuna sheegey in wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyadda uu Drs Yussur Abraar weydiistey in ay u saxiixdo lacagtaasi oo ka imanaysay Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha oo waraysi siinayey wargeyska Financial Times ee dalka Ingiriiska kasoo baxa ayuu arimamahaasi ku sheegay in ay ka mid tahay qaladaadka ka dhaca marka la cusubyahay.

Deeq-bixiyaasha caalamka ayaa si toos ah u diidey in ay gargaarka toos u siiyaan dowladda, iyagoo farta ku fiiqey maamul xumadda dhan walba ah sida dhanka maaliyadda ee dowladda, waxayna codsadeen in la sameeyo guddi heer caalami ah oo la socda halka lacagaha lagu isticmaalo, taasi oo markii ugu horeysey ay ogolaatay dowladda Soomaaliya.