Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Hub Xasuuq kale Loogu Geysan-doono Shacabka Somaliya Oo Dawlada Serbiya Laga Soo iibinaayo.

Sunday - Feb 9, 2014

Xigasho Markacadey.com : Wakiil ka socday dowladda Serbia ayaa todobaadkii dhamaaday booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, Sababta ugu weyn ee safiirka Serbia u tagay xamar ayaa ahayd wadahadalo u socda labada dal (Somalia iyo Serbia) oo ku saabsan sidii Soomaaliya ay hub uga soo iibsan lahayd dalka Serbia xili mudadii sanadka ahayd ee cunaqabataynta hubka laga qaaday Soomaaliya ay gabaabsi sii tahay.
Safiirka Serbia iyo Xasan Culusow

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoowdey ayaa  sanadka 2013 dowladda Xasan Sheekh si tijaabo ahaan hal sano u ogolaaday  in hubka fud-fudud ay soo iibsan kareyso. Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleyso inay ka faa’ideysato waqtiga yar ee ka haray cunaqabateynta hubka ee laga khafiifieyey iyadoo laga cabsi qabo in golaha ammaanka uu cunaqabateynta hubka ku adkeeyo dowladda Xasan Sheekh maadaama maleeshiyaadka qabiilka madaxweyne Xasan Sheekh ay sanadkii 2013 xasuuq iyo barakicin ba’an ay kula kaceen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sh/hoose, Hiiraan iyo Sh/dhexe iyagoo adeegsanayo hub dhowaan Somalia ay ugu deegday Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dowladda Serbia waxay caan ku tahay dhoofinta hubka, waxayna leedahay warshadda lagu magacaabo Zastava taasi oo soo saarta hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna shaqaynaysay warshadani illaa sanadkii 1853-dii, warshadani waxay dhibaato baddan soo gaartay sanadihii sagaashamaadkii xiligaas oo dagaaladdii Serbia ay ku qaaday muslimiinta Albania iyo waliba duqeymihii NATO u geysatay Serbia.

Hubka ay warshadani soo saarto ee Soomaaliya soo iibsan rabto waa isla hubka lagu geystey xasuuqii Serbanija, Kosovo iyo Albania halkaasi oo muslimiin baddan lagu laayey.

Dowladda Somalia ayaa ciidamo ahaan u qorata hal qabiil oo ah qabiilka u isr ahaan ka soo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa taliyeyaal ciidan u ah hogaamiye kooxeedyo caan ah sida Goobaale, Yuusuf Indhacade iyo Qaafow, hubka dowladda ay soo iibsaneyso wuxuu ku dhacayaa gacanta maleeshiyaadkaas dhibaatada ku haayo shacabka beeraleyda u badan ee Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan