Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Xukuntay Rag Lagu eedeeyey Al-Shabaab

Tuesday - Feb 11, 2014

Maanta oo isniin ah Afar nin ayaa maxkamadu dhageystay dacwaddaha loo haysto, waxaana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa gaba gabadii ku dhawaaqay xukunka ay muteysanayaan saddexda eedeysane la horkeenay maxkamada, waxaana lagu kala xukumay sidaan:

    C/xakiim Cumar Guduudow-  waxaaa lagu xukumay 5-sano oo xarig
    C/xakiim Cabdullaahi Xundul-  waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig
    C/raxmaan Muuse Cismaan-   waxaa lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkamada ayaa dhinaca kale Eedeysane Aweys Buule Saadiq sii deysay kadib markii lagu waayay wax dambi ah ama wixii markii hore lagu soo eedeeyay.

Tani ma ahaan markii u horeysay ragg lala xiriirinaayo kooxda Al-Shabaab lagu xukumo degaanada Puntland.

Waxaa weli Xabsiyada Puntland ku jira dhalinyaro badan oo ku eedaysan falal dil ah in ay ka fuliyeen Puntland iyaga oo amarka ka soo qaatey al-Shabaab, waxaana badankood lagu xukumey dil toogasho ah.

Sanadkii hore waxaa dil qisaas lagu fuliyey 13-dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanayeen kooxda Al-Shabaab, isla markaana dilal kala duwan ka fuliyeen Puntland. Lix ka mid ah dhalinyarada dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa loo haystey dilkii Marxuum Dr.Axmed Cabdiraxmaan.