Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

UN Monitoring Group : Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Hub Ka iibiyey Sarkal Shabaab Oo Ku Hayb Ah

Thursday - Feb 13, 2014

Sida lugu sheegay warbixin ka soo baxday kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka hubka Soomaaliya ee UN Monitoring Group,Yuusuf Ciise Kabo-ku-tukade oo ka mid ah saraakisha sar sare ee Al Shabaab ayaa la sheegay inuu hub ka helo madaxtooyada Soomaaliya.

Sargaalkan Al Shabaab waxaa uu ugu magacaaban yahay gobollada Dhexe,waxaana warbixinta ay sheegaysa inuu hub ka helay dowladda Soomaaliya,hubkaaso looga saaray bakhaarrada lagu kaydiyo hubka ee ay maamusha dowladda federaalka ah.

Waxaa lugu caddeyey warbixinta in la taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada kuna beel ah madaxweynaha uu ku lug leeyahay u gudbinta hubka Yuusuf Ciise Kabo-ku-tukade oo ka tirsan horjooga-yaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegey in hub ay dowladda Soomaaliya kala timid dalalka Jabuuti iyo Uganda la leexsaday, islamarkaasina gacanta u galay Yuusuf Ciise Kabo-ku-tukade oo ay isku beelyihiin madaxweynaha.

Sida lagu sheegey warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Yuusuf Ciise Kabo-ku-tukade oo ah waaliga Alshabaab ee gobolada dhexe ayaa hub ka heley madaxtooyadda Soomaaliya.

Warbixintaan cusub waxaa ay dhawaac u gesaneysa dowladda Soomaaliya,waana mid sababi karti in dib Soomaaliya loogu soo celiyo cunuqabatenta hubka ee sarneed.

Wali dowladda jawaab kama aysan bixin wabixintaan cusub ee lugu sheegayo in hubka Soomaaliya loo leexiyo beelo iyo saraakil ka tirsan Al Shabaab.