Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Turkiga Oo Joojiyey Lacagaha Sida Tooska Uu U Siiyo Somaliya

Friday - Feb 14, 2014

Istanbul (RH) Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in ay joojisay lacagaha sidda tooska ay ugu caawin jirtay Soomaaliya, oo in ka badan 20 sanno dagaallo ku jirtay, sidda lagu sheegay war ay qortay wakaalada Wararka Reuters Khamiistii.

Turkiga wuxuu door muhiim ah ku lahaa gargaarkii loo diray Soomaaliya sannadkii 2011-ka xilligaas oo meelo badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ay ka dilaaceen macluul iyo gaajo, dad badan galaaftay.

Turkiga ayaa lacag caddaan ah ku taageeri jiray Soomaaliya, halka waddamada reer galbeedka ay dhaqaalaha u soo marsiin jireen hey'adda gaar loo maamulo ama aan si toos ah loo siin jirin.

ilaa hadda ma cadda wax yaabaha sababay in la joojiyo dhaqaalaha lagu bara taari jiray dowladda Soomaaliya, kaasoo la joojiyay dabayaaqadii sannadkii horre.

Sidoo kale waxaa aan la ogeyn lacagta uu Turkiga siin jiray Soomaaliya, balse guddoomiyihii horre ee Bangiga Dhexe Cabdisalaan Cumar ayaa u sheegay Reuters in bishii khasnada dowladda ay ku soo dhici jirtya 4.5, Milyan oo dollar oo ka imaan jirtay dowladda Turkiga.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu horreeya ee lagu tilmaamo musuq-maasuqa adduunk