Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Doqon Lacag Haya, Hareerihiisa Ma Eego Ee Mumaag Buu Ku Luma

Friday - Feb 14, 2014

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nin tunkiisa daawaday oo Eebe xoolo u dhiibay, ayaa isaga oo goor casar ah socdaal ku maraya dariiq ciriiri ah, waxaa dariiqa uu marayay oo balaciisu aad u yaraa kaga soo hor baxay ama ay dariiqa iskaga hor yimaadeen Nin danyar ah oo xaabo tunka ku sida. Maadaama uu dariiqu ciriiri ahaa waxaa Ninkii xaaboolaha ahaa isku dayay in uu uga digo xaabada uu garabka ku sido in aanay waxyeelo u geysan Ninkan ay dhabaha iskaga horyimaadeen, sidaasi darteed Ninkii xaaboolah ahaa oo ka cabsi qaba in qoryaha xaabada ay dhici karto in dhib u geystaan Ninkaasi, waxaa uu kor ugu dhawaaqay erey u dhignaa sidan: “Iska jir, iska jir xaabada”.

Ninkii Taajirka ahaa ee xaragada la tiicayay oo dariiqa marayay, wax jawaab ah, ficil iyo hadal-toona kuma muujin digniintii uu Ninka xaabada sitaa u diray. Waxaanu si isla weyni ku jirto isaga sii watay socdaalkiisii. Waa tii hore loo yiri “Nin kuu digay kuma diline” waxaa dhacday in khatartii uu ka digayay ay dhacdo oo xaabadii uu tunka ku siday dilaac u geysato maryihii quruxda badnaa ee Ninka ay dariiqa wadaagayeen ku labisnaa.  Ninkii taajirka ahaa ayaa aad uga carooday dilaaca soo gaaray maradiisa, waxaanu muran xoogan oo gacan ka hadal ku dhawaaday uu dhex maray Ninkii xaabada sitay. Labadii Nin ee waxyeeladu kala gaartay waxay isla garteen in ay haboon tahay in qaadiga ama garsooraha la isula tago, si koodii gar lihi garta u helo.  Markii ay garsoorihii u tageen ayuu garsoorihii weydiiyay Ninkii xaaboolaha ahaa: Maxaad Ninka dariiqa ugu banayn weyday?  Ninkii xaaboolaha ahaa ma jawaabin.

Garsoorihii ayaa aad uga carooday aamusnaanta Ninka xaaboola ah, waxaanu Ninkii taajirka ahaa weydiiyay oo yiri         “ Sidee ayaan u xukumaa Nin aan hadlaynin” Ninkii Taajirka ahaa ayaa yiri “ wuu hadlaa, oo wuxuu dhawaaq dheer ku lahaa markii aanu dariiqa iskaga hor nimi “ ii banee, ii banee dariiqa”. Garsoorihii ayaa ku yiri Ninkii Taajirka ahaa “Mar hadii uu kuu digay oo aad dhegaha ka furaysatay, adiga ayaa qaladka leh”.