Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Gurguurte Waa Ka Jiifsatay..Shabaab Oo Helay Darbi Jilicsan Oo Ay Fagtaan..Heliwaa Wa Laga Si Qaxaya

Wednesday - Feb 19, 2014

Mogadisho- warka ka imaanaya degmada Heliwaa ayaa si xun uga deyrinaaya nabadgalyo la'aanta halkaas ka oogmatay iyo cabsi weyn laga baqaayo in ay saameyn weyn ku yeelato nolosha dadyooga halkaas degan iyo guud ahaan degmooyinka kale ee mogdisho .. warka ayaa intaa ku daraya in dhamaan meheradihi ganacsiga ee halkaas ka socday albaabada loo laabay ,waxaana la filaya in xaaladu muddo ay sidaas ku si cakirnaato oo hurdo la ladi-waayo haddi aysan dhinaca ciidamada milatariga ka imaan gurmad xaaqi kara maleeshiyada hunuushta al-shabaabka ee waayahaan hawdka ka soo daatay oo weerar iyo keb la yuurar ku soo shaashiyey magaaladi mogdisho

Sida kale dadka degaanka heliwaa ku sugan xamxamtooda ayey ku sheegayaan in ay si gaara u saluugsanyihiin hawlgalka sirdoonka nabadsugida iyo ciidamada milatariga oo daacad u ahayn caabinta shabaab balse munaafaqeyn iyo hagrasho ka muuqato, isla markaa shacbka Heliwaa iyo guud ahaan dadka mogdisho waxay maalmahaanba murugadooda tiic-tiic iyo su'aashooda ku saleysan-tahay "Maxaa kaa dhaba Xasan Shiikhow" waxay yiraahdee Mr.bad-macaanshe Gurguurte haddu rafto iyo haddu isa suuxiyaba waa geeri naxdin leh oo wax ka soo reynaaya ma jiraan, Sac wuxuu la ciyana waa Maa, waxuu la aamusana waa Maa .. Xasan Gurguurte in isaga cidi rabin Ogaa sidaa daraadeed ma daama uu si nasiib ah isagoo aan garaneyn xeebta ka helay Xaarka Neberiga "Shit of the whale" yacni madaxweyne nasib ku helay .. hawshiisi waxay noqotay beelo wanjal, cidna ha daneynin, Canka buuxso oo hadba ceyn U Ci .. waa saboolka caadadi inu saas sameeyo marku dharag la kibro oo yiraahdo Kibirow kab iga tuur xas igu lagad .. Hadalna wuxuu ku koobanyahay" Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay"  

Shalay ayaa sidoo kale degmada waxa ay kooxda al-shabaab ay ku daadisay warqado digniin ah oo ganacsatada lagu amray in aysan askarta Dowladda waxa ka iibin karin taaso laga cabsi qabo in sidaa wax la mida loola tago degmooyinka kale .. Xaalka mogdisho waxuu maanta maraya Riwaayadi la oran jiray" Xaajo-ba la yaab leh"