Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Geerida Naxdinta Leh Ayaan Uga Tacsiyeneyna Maxamuud Xirsi Indha-case Oo Qaraxi Maanta Ku Dhintay

Friday - Feb 21, 2014

Muqdisho-Wararka ka soo baxaya weerarkii is miidaaninta ahaa iyo midka toosk ah ee maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada somaliya ayaa waxa ay wararku sheegayaan in Ugu yaraan 11-qof oo kooxihii weerarka qaaday iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku jiraan ay ku  dhinteen halka in ka badan 20 qof oo isugu jira shaqaalihii madaxtooyada,askarta ilaalada iyo suxufiyiin ay ku dhaawacmeen Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah allaha ha u naxariiste agaasimihii guud ee xafiiska ra’iil wasaaraha Soomaaliya, Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) oo ahaa horyaalki ummada dhinacyada bulshada iyo aqoonta,waxuu ka mid ahaa bulshada reer kanada oo xaaskiisa iyo caruurtiisa ay daganyihiin, waxaa kalo dhimashada qaraxa lagu xusay Jen. Nuur Shirbow oo isna mar ahaa taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugidda, isagana Ebaha naxariista leh ha u naxariiste

waxaana dhawr qof maydkood oo u muuqda dhalinyaro  la soo dhigay banaanka hore ee madaxtooyada oo lagu sheegay kuwii weerarka qaaday in kasta oo uu weerarka maanta ka dhacay muqdisho uu ka xoog badnaa mid ay qaadeen saddex qof.

dadka ku nool magalada Muqdisho ayaa maanta is waydiinayey sida ay kooxdan weerarka  qaaday ee sidaa u hubaysan ay gudaha ugu gali karaan madaxtooyada ama ugu dhawaan karaanba,meel sida la ogyahay amaankeeda aad loo sugo,waxa ay wararku sheegayaan in xataa ay gudaha u galeen masaajidka madaxtooyada oo uu ku tukanayey  madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud,balse sida uu sheegay masuul ka tirsan sarkaal UN-ta uu bad qabo Madaxwaynuhu, hasa ahaate warar kale ay sheegayaan inu halkaas iyo madaxtooyada kaba la'aan uga baxay

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkan maanta ay ku qaaday madaxtooyada Villa somaliya sida ay ku baahisay barro mareegaha internet-ka ah oo taageera xarakada.