Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Geerida Horteed Yaa La Taliya Xasan Gurguurte

Friday - Feb 21, 2014

Nin Jaceylsi iyo xulufo Siyaasadeed markan sheekada waa ka soo gudubtay waxay xaaladu taagan tahay in talaabo adag laga qaada shakhsiyaadka madaxda ka ah Laamaha amaanka dalka Sida Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxda Sirdoonka Soomaaliya Bashiir Goobe kuwaas oo dhamaantood ku fashilmay howlihii loo xilsaaray.
Wasiir-Guuleed1

Sidee ku dhacday in Bartimaameed laga dhigto Madaxtooyada oo ah meel ay ku sugan yihiin Ciidamada ajanabiga iyo kuwa Soomaalida taas waxay ku tusaysaa taagdarada hogaanka siroonka oo ahayd inu si xuuraan ah ku ogaado falalka argagxisada iyo meelaha laga soo abaabulaayo

Bartimaameedka maanta oo jimco ah lala beegsaday Madaxtooyada waxay marqaati cad u tahay jilicsanaanta shaqadi wardoonka lagu yiqiinay .. qaraxa maanta dhacay cidna daah kama saarna in loo baahan yahay is bedel iyo waxqabad.

Haddaba Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu soo afjaraa wada jaceylka u qabo saaxiibkiisa macalinka Schoolka wada ahaayan Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed kaas oo aqoon iyo aragti u lahayn arrimaha amaanka.

Waa in la helaa shaqsi ka soo bixi kara ka hortaga falalka amaan daro ee caasimada Soomaaliya waa in xilalka Laamaha Sirdoonka iyo amaanka loo dhiibaa dad waayo aragnimo iyo aqoon u leh howlahaas.

Lagama yaabo dadka Soomaaliyed inay ku qancaan Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed iyo hab dhaqanka Madaxweynaha mayalka adag ee dalka ka doorsaday jaceylka u qabo Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed iyo Basiir Goobe oo ah taliyaha nabadsugida

Waxaa shacabka guud ahaan ee somaaliya ay la socon-doonaan talaabada uu ka qaado Xasan Sheekh abeesoyinka duuduban ee un dhadhamada kalia eegta kuna dhaafsaday nabadgalyadi iyo noloshi shacabka.