Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Burcad Somali Ah Oo Afduub U Haysata Shaqaale Kenyaan Ah Oo Madax Furasho dalbatay

Monday - Feb 24, 2014

Laba Ingineer ayaa waxaa afduubtay kooxo hubeysan xili ay ku sugnaayeen degmada Hodon ee Mogdisho, kahor inta aysan u gudbin degmada Xarardheere oo 700 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.
Labadaa ruux oo Kenyan ah oo la shaqeynayay shirkad dhisme oo ku taala magalaada Muqdisho ayaa waxa aafduubtay shaqsiyaad caadeystay afduubka kuwaasi oo burcad badeed loo maleynayo, waxaana iminka ay dalbadeen 80 milyan oo lacagta Kenya ah.

" Waxaa wali nala soo xiriiraya qoysaskooda, laakiin waxaa xaqiijinay in kooxaha Soomaalida ay gacanta ku hayaan Kenyan-ka, wararka aan helnay ayaa sheegaya inay bad qabaan, kooxahana ay dalbanayaan lacag madax furasho ah”  sidaasi waxaa yiri Andrew Mwangura oo ah xoghayaha guud ee midowga badmaaxiinta Kenya.
Wuxuu sheegay in kooxda ay sheegteen masuuliyada afduubka, ay weydiisteen lacag madax furasho ah, si ay usii daayaan labada injineer ee u dhashay dalka Kenya.