Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Marwo Fawsiya Oo Ku Gacan Seyrtay In Khasnada La Xambaartay, Xantoobo Weyn Ka Qaadatay

Tuesday - Feb 25, 2014

Wasiiradi hore ee arimaha dibada somaliya marwo Fawsiya Xaaji Aadan oo wareysi siisay warbaahinta Routers ayaa ku gacan seyrtay warbixin lagu daabacay oo sheegeysa in ay ku lug lahayd Musuq-maasuq baahsan oo ka dhacay dawladi ay ka ahayd wasiirka.

Marow Foowsiya ayaa sheegtay eedeynta ay soo jeedisay gudoomiyihi bangiga dhexe ee Somaliya Yusur Abraar in ay tahay wax aan sal iyo raad-toona lahayn .. Fawsiya ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeysay cadaadis lagu saaray Dr. Yusur in si hab musuq-maasuq ah lacag ugu shubto Akoonta gaara oo ay leeyihiin ganacsato reer Dubai ah oo gacan saar la leh madaxweyne xasan Gurguurte.

Marwo Fawsiya ayaa hadalkeeda ku soo beegmay xili caalamku farta ku fiiqay iyada iyo wasiiro ka tirsanaa xukumadi hore oo talada laga qaaday iyagoo lagu eedeeyey in ay lacago badan oo loogu tala galay gurmadkii abaaraha somaliya ay musq-maasuqeen oo khasnadi lagu shubay xaaluf ka yeeleen

Asbuucaan socda waxaa la filaya in Qaramada midoobay ka xaajoodaan warbixin hor leh oo laga qoray dawlada Xasan Shiikh oo lagu sheegay Tii ugu tuugo iyo musuq-maasuq badneyd abid dalka Somaliya.