Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Xildhibaano Ingiriis Oo Dalbaday In Lacgta Laga Joojiyo Somaliya ila Iyo Inta Laga Helayo Dawlad ...

Wednesday - Feb 26, 2014

Dawladda Ingiriiska ayaa waxa soo waajahay culaysyo lagu dalbanayo inay joojiso lacagta malaayiinta Dollar ah ee ay ugu deeqdo dawladda Somaliya islamarkaana ay u wareejiso meelo kale oo dalka Ingiriiska ah oo ay masiibooyinka daadadku wax-yeeleeyeen.

Dowladda Ingiriiska oo sanad kasta lacag gaareysa 90 Million oo lacagta Ingiriiska, ugu yaboohda waddanka Soomaaliya ayaa sheegeysa in lacagahaasi oo ay ugu tala gashay in wax looga qabto Xaaladaha Beni-aadanimo ay gacanta u galaan kooxda Al Shabaab. Warbixintii ay toddobaadkii hore daabacday kooxda qaramada midoobay ee loo yaqaano UN Monitoring Group, ayaa cadaysay in hub iyo saanado milatari oo loogu deeqay dawladda Somaliya ay gacanta u galaan Al-Shabaab, waxaanay sheegeen inay jiraan dad dawladda xilal ka haya iyo kuwo hab qabiil ugu xiran oo hubka gaarsiiya Al-Shabaab. Warbixintaas ayaa noqoday mid gilgisha dareenka deeq bixiyayaasha taageera dawladda Somaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo warbixintaas daba socda ayaa dalbanaya in lacagtaas la joojiyo tan iyo inta la helayo dawlad lagu aamini karo.  Xildhibaan Ian Liddell-Grainger, oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanada ay daadadku waxyeeleeyeen ee dalka Ingiriiska, ayaa wargeyska The Mail, u sheegay sidan, “Waxay cadaymo u yihiin arrimahani [warbixinta] arrin ay mudanayaal badani sannado ka hor ka digeen, taas oo ah in caawimadeenu ay gasho gacmo khaldan.”, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa jira wadamo badan oo aynaan deeqo u diri karin, sababtoo ah ma caawino dadka gudaha waxase ay gacanta u gashaa dad kale.”

Si kastaba ha ahaate, inkastoo la sheegay inuu raysalwasaaraha Ingiriisku saxeexay lacagtaas 90-ka milyan ah, haddana waxa muuqda inay dawladda Somaliya soo waajahday xaalad suurtogelin karta in deeq bixiyayaal badani ay kala noqdaan balan qaadyo hore, maadaama oo lagu eedaynayo inaanay lahayn nidaam xisaabeed oo cad iyo isla xisaabtan.