Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Tarsan Ciil La Dikrinaaya: Niyad Ban U Laday Hurdada, Siyaasada Ka Biximaayo Xildhibaan kolay-tahay

Friday - Feb 28, 2014

Mogadisho: Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay soo saaray wareegto xilka looga qaaday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo xilkaas soo hayey laba sano iyo ka badan

Wareegtada ayaa lagu xusay in Xasan Maxamed Xuseen Mungaab oo ahaa gudoomiyihii maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida loo magacaabay gudoomiyaha cusub iyo duqa Muqdisho kaasoo maalmaha soo socda xilka si buuxda ula wareegi doona.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya mustaqbalka siyasadeed ee Tarsan marka uu wareejiyo xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo dhowaana iska casilay xilka wasiir ku-xigeen loo magacaabay taasoo tilmaan hordhac ah ka bixineysay xil ka qaadista hadda lagu sameeyey.

ilo wareedyo ku dhow dhow gudoomiyaha xilka wareejinaya ee Tarsan ayaa sheegaya inuu daalkii badnaa ee shaqada ayaamo ka nasan-ddono, hasa ahaate doonayo saaxada siyaasada Somalia inuusan ka bixin, waxaana socda baa la yiri qorshe Tarsan uu ku doonayo inuu xubin kaga noqdo xildhibaanada baarlamanka Somalia.

Warbixinada ayaan sheegaya in Tarsan uu wadahadal kula jiro xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ay isku beel ka soo wada jeedaan, kaasoo Tarsan uu ku doonayo inuu kaga dhaadhiciyo sidii uu ugu soo wareejin lahaa booska xildhinaanimo.

Qorshaha Tarsan marka uu baarlamanka galo ayey wararku sheegayaan inuu yahay sidii uu halkaas uga bilaabi lahaa dagaal siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu ku gaaro mansab sare oo siyaasadeed isagoo ka faaiideysanaya magaca iyo maamuuska uu ku helay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay gobolka Banaadir mudadii uu xilka hayey.

Lama oga in Dufle uu aqbali doono dalabkan iyo in kale hase ahaateen Tarsan ayaa markii loo magacaabay sanado ka hor gudoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu baneeyey kursiga xildhibaanimo ee baarlamanka, maadaama uusan labada xil isku heyn Karin, waxaana ka dib kursigiisa xildhibaanimo buuxiyey Prof. Dufle.