Gudoomiyaha Cusub Ee Goblka Banaadir Oo War Culus Geedka Soo Dhigay
Monday - March 3, 2014
Muqdisho - Guddoomiyaha
cusub ee maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Maxamed
Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono ammaan darida
maalmihii dambe ka soo cusboonaaday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Mungaab oo ka hadlaayay xaflad lagu taageerayay oo ka dhacday
Muqdisho, ayaa sheegay in uu deggi doono goobaha ugu ammaanka daran
magaalada si uu indhihiisa ugu arko xaalada magaalada.
Guddoomiyaha ayaa shacabka ku dhaqan magaalada ugu baaqay in ay la
shaqeeyaan maamulkiisa oo ay gacan ku siiyaan siddii loo soo qaban lahaa
dambiilayaasha ammaan darida ka wada magaalada.
Mungaab ayaa lagu bedalay guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir,
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay shantii sanno ee la soo
dhaafay.
Guddoomiyaha cusub waxaa hor yaalla howl culus oo ay ka mid tahay in
uu ammaan ka dhigo caasimada oo maal-mihii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo
iyo dilal.