Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo War Culus Geedka Soo Dhigay
Monday - March 3, 2014
Muqdisho-Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono ammaan darida maalmihii dambe ka soo cusboonaaday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Mungaab oo ka hadlaayay xaflad lagu taageerayay oo ka dhacday Muqdisho, ayaa sheegay in uu deggi doono goobaha ugu ammaanka daran magaalada si uu indhihiisa ugu eego xaalada magaalada.
Guddoomiyaha ayaa shacabka ku dhaqan magaalada ugu baaqay in la shaqeeyaan maamulkiisa oo ay gacan ku siiyaan siddii loo soo qaban lahaa dambiilayaasha ammaan darida ka wada magaalada.
Mungaab ayaa lagu bedalay guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo xilkaas hayay shantii sanno ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha cusub waxaa hor yaalla howl culus oo ay ka mid tahay in uu ammaan ka dhigo caasimada oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal.