Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Lubnaan Oo Xukun Dil Ah La Dooneysa Fanaan Laga Jecelyahay Dalalka Carabta

Tuesday - March 4, 2014

Maxkamada Militariga ee dalka Lubnaan ayaa todobaadkan bilowday maxkamad ka dhan ah kooxda Sunniyiinta ah ee uu hogaamiyo Wadaadka lagu magacaabo Shiikh Axmed Casiir.

Kooxdan Sunniyiinta ah ee ka soo jeeda dalka Lubnaan ayaa sanadkii la soo dhaafay dagaalo ay la galeen ciidamada Militariga Lubnaan ku dilay saraakiil ka tirsan militariga dalkaasi.

Kooxdan waxaa dhawaan ku biiray Fanaanka caanka ah ee laga jecelyahay dunnida carabta oo lagu magacaabo Fadl Shaker, kaasi oo ka mid ah xubnaha sida waaweyn ugu ololeeya dagaalka lagula jiro xukuumada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya.

Bishii June ee sanadkii hore 2013 ayey kooxda uu hogaamiyo Shiikh Axmed Casiir weerar ku qaadeen ciidamada Lubnaan oo ay ka dileen 17 askari.

Maxkamada Militariga ayaa ku eedaysay Fadl Shaker oo sanado ka hor isaga baxay fanka in uu kamid ahaa kooxdii dilka u geystay askarta dowlada Lubnaan.

Fadl Shaker ayaa ahaa fanaan si weyn looga yaqaan dunnida carabta iyo caalamka oo dhan wuxuuna sanadkii 2011 sheegay inuu isaga baxay fanka iyo heesaha uuna ka toobad keenay, isagoo ku biiray kooxda uu hogaamiyo Shiikh Axmed Casiir.