Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Wasiir Goodax Oo Sheegay In Mogdisho Ay Ku Soo Wajahan-yihiin Shabaab Wax Xasuuqa

Wednesday - March 5, 2014

Mogadisho-Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Muqdisho uu kusoo wajahan yahay dagaal, loogana baahan yahay shacabka Soomaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda sidii dagaalkaas looga hor-tegi lahaa.
 
C/llaahi Goodax ayaa sheegay in Al-shabaab markii ay ku jabeen gobollada dalka ay soo buuxiyeen Muqdisho, ayna wadaan qorshayaal ay Muqdisho dhibaatooyin uga geysanayaan, taasoo u baahan in la iska kaashado ka hortaggeeda.
 
Wuxuu yiri; “Shaki kuma jiro magaaladan inuu colaad kusoo wajahan yahay, waxaana shacabka iyo dowladda oo isku-duuban looga baahan yahay inay ka hor-tagaan, waayo Al-shabaab markii ay ku jabtay gobollada ayay kasoo buuxsameen Muqdisho,”
 
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho oo hagaaga uu ku xiran yahay wada-shaqeyn dhexmarta ciidamada amniga iyo shacabka Muqdisho, isagoo intaas raaciyay in markii Al-shabaab ay waydo goobaha ay gacanta ku hayso ay soo galayaan Muqdisho.
 
Wauu kalo warkiisa raaciyey “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka dalbanayaa inaan qabiil-qabiil loo qaybin, in aan been loo sheegin, balse ay u diyaar-garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa doonaya inay Muqdisho ka qixiyaan mar kale.
 
Isagoo sii hadlaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox aan diin iyo iimaan lahayn, waxayna doonayaanna buu yiri inay mar kale shacabka ka barakiciyaan Muqdisho.