Amniyaadka Al- Shabaab oo Maanta Baraawe Ku Beegsanaaya Dadka Wata Taleefoonada Casriga Ah
Monday - March 10, 2014
Barawe-Wararka laga helaayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Amniyaadka ee Al Shabaab, ay maanta beegsanayaan dadka wata teleefanada gacanta, ee casriga ah.
Al Shabaab, ayaa horey deegaanada ay ka arrimiso uga mamnuucday in ay dadku qaataan teleefanada gacanta ee duubi-kara muuqaalada, sidoo kalana qaadi kara sawirada.
Ciidamada Amniyaadka oo maanta si weyn gudaha u soo galay Degmada Baraawe, ayaa waxay shacabka ka uruurinayaan kuwooda wata moobeelada loo yaqaano Smartphone-ka.
Amniyaadka Shabaabka, ayaa sidoo kale dadka kaga digaaya in cidii mar dambe lagu arko teleefanadaasi, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo Sharciga waafaqsan, sida ay sheegeen.
Dadka reer Baraawe oo aan si xoriyad leh ugu hadli karin teleefanadooda gacanta, ayaa waxay ku sheegayaan in ay maanta culeys kala kulmayn Ciidamada Amniyaadka ee Shabaabka.
Al Shabaab, ayaa billo kahor ku andacootay in teleefanada casriga ah ay ku xiran yihiin qalab la shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka, ayna ka diggayaan in deegaanadooda lagu qaato.