Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Shimbirka Hadlay, Gorgorka Maanta ..Galdogob Hodansanaa Umadiisana Hiil Yaraa

Monday - March 10, 2014

 Bani'aadamka qaar baa ku bukooda wanaaga .. Qaar baan beenta ka dhargin .. Qaar baa dadka baacsada oo bismi-laahiye kherka bogga uu ku xanuunaa .. In badan been la hurgufay run aan loo bareerin . waxaa been lala doontaa bulshada goldogob oo hindisa burush ceeb been ah oo bugcad aan cid shabaabi joogin ba'ayey la isla taagaa, waxaa la yiri waa xarun nimankooda hangoolada argagixisada shabaab daabka wada haystaan, taaso ujeedadu ahayd dadkaas hilibkooda maalin cad inta la washiriyo lagu casumo habar-dugaaga, nasiib-darose kuwi daba-wareegaa waday waa u socon-weyday ku tala galkii. dan baa u run sheegtay oo iyagi baa ay fagatay wax ay yeelaan daayo. laakiin bahal hilib ceyrin ma daayo oo weli kuwa gafanayaal aan loolanka baran iyo kuwa ay ehel yihiin u hanqaltaagaya dibu dhaca degaankaas.

Nin feylasuuf ahaa oo La Oran jiray Feylasuuf Socrat ayaa yiri " Garo Naftaada ugu horeyn, kadib waxaad awooda inaad Dadka fahantid" Haddi aan nahay umadda reer galdogob ineynu xaqiiqada is taabsiino ayaa fiican oo indhaha laga qarsan khaladaadka ka jira beesha dhexdeeda oo saameysay in horumarkii degaanka looba jixin-jixin .. waxaa aan la yaab lahayn inaynu guud ahaan u badanay rifayaal kii talo keena la daba galo ceebeyn iyo war xumo aan u laaqi ahayn, wax iskuma raacno oo waad ka war haysaan in kuwi cumaamadaha ino sitay iyo wixi nalo magacaabay xildhibaano, mid waliba siyaasad go'ni ah wato kitaab qumane isaga sita qoorta, taaso keentay in mawqif adag ka istaagi-waayaan arimaha jira iyo gaar ahaan maamulada aan bartanka uga jirno ee xarig jiidku ka dhaxeeyo .. Waxaa la yiri Ragna waa ragi hore hadalna waa intu yiri . Odayaashi guurtida reerkaan ee dhaqan ahaan maalinti ay ribato intaa jilbaha laabtaan wax miiq-miiq ka dhigaan kala sifeyn jiray waa xijaabteen, wixii iyaga ka soo haray ee garad sareeya lahaa ee maanta nool waa odayaal asaasaq sariir ku aruursan, dhinaca kale wixii rug cadaadi-yaal oo dabeyshu soo mari-kareyn aqoon iyo waayo-aragnimo la bidaayey waxaa lagu yiri haraa baa tihiin oo looma baahna gargaarkiina, waxaase la inkiri karin in ay jiraan rag fara ku tiris ah oo ceeb salimm ka ah xumaanta oo markasta isu-xuurteeya iney bulshada ay ka soo jeedaan wax u qabtaan sida kuwa maanta isu xil qaamay wadada gaalkacyo- galdogob, hasa ahaate aysan aysan helin gurmadkii laga filaayey gudo joog iyo qurbo joog intaba.

Hadaba si wada jir wax loogu qasado waxaa markaas inagu waajiba, bal inaan marka hore eegno waxa horumarkeena hortaagan .. Su'aasha marka jirta waxay tahay yaa reerka ku soo haray oo maanta oo kaalinti odayaashi hore galay .. waxaa la yiri bisqin rag  bay kuu geeysa ragse kaama celiso. meel walba gudo iyo dibad waxaa reerka u afduuban yihiin kuwa falaadkoodu heerkaan yahay:

1- Kuwa markasta seefta galka uga saaran tahay oo qoobab ka ciyarkooda siyaasadeed ku jiheeysan tahay un qoys difaaciisa iyo dagaal lagu jiheeyo .

2- Niman bur weyn uun la wareegaaya, booli xoofto ku waashay caga seef-layaal ah dalna dadka u ogoleyn iyaguna aan dadka deeqsin-karin hadalo naxali leh, mararka qaarkoodna loo soo dhiibo midida loogu tala galay in lagu kala jaro beesha

3- Waxaa jira kuwa lugta reerka ku walaaqaya aan cidna ka gabaneyn raadkoodu qoyan-yahay oo hadana la masaxayo oo la oran keeba halkaan maray isaga ma aha.

4- Kuwaa jira xadaarada ka qaawan, qiyaasuhu ka xunyihiin

Rajada kaliya la qabay waxay ahayd in si wada jira hal jiho lagu wada duulo, iyo hal go'aan la qaato

darajada ilaah baa ninku doono siiya waxuu diiday ha dudin

 

in aduunyada maanta aan ku noolnahay ay mayelkeeda ku hayaan dad aan ku tilmaami-karo iney yihiin aadamiga nooca ka aradan haba yaraate milgaha iyo sunaha aynu ku suntan-karno dadnimada. kuwaaso aan marnaba ka danqaneyn una jixin-jixin dacdarada iyo dulmiga ay kula kacaan aadamiga intiisa kale.

micneheedu ahaa ahaa in dhidirka si gaara loogu oodo oo horumarka ay ka gaabiso.

dhidar u oodneyd dibina loo dhigay waa dal wanaagsan,