Mas'uuliinti La Booday Caashaqa Lixda Gobol Oo Hadana U Beyray Shirka Sadexda Gobol
Thursday - March 13, 2014
Baydhabo- Siyaasi Maxamed Sagaar Nuur oo kamid ah Howl-wadeenada Shirka la doonayo in lagu dhiso Maamul kulminaya Sadex gobol oo loogu magac daray Koonfur Galbeed Soomaaliya kana socda Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Maalmihii dambe Shirkooda ay ku soo biirayeen xubno MasÂ’uuliyiin siyaasiyiin ah oo horay uga tirsana Maamulka Lixda gobol ee dhwaan looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo, isagoona ku micneeyay in arinta lixda gobol ay ogaadeen in uusan marna hir-geli Karin oo ay tahay huhaa iyo wax la mala-awaalay
Maxamed Sagaar Nuur ayaa sidoo kale sheegay in jagada Madaxtinimasda Maamulka Sadexda gobol ay iminka soo bislaatay oo ay u taagan yihiin ilaa Shan Musharax oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibada dhawaanna si rasmi loo shiicin doono Magacyadooda.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka soconaya Shir la doonayo in Maamul goboleed loogu sameeyo Sadexda gobol ee Shabelada Hoose, Bay iyo Bakool oo ka dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona horey Magaalada Baydhabo looga dhawaaqay Maamul la sheegay inu kulmiyey Lix gobol oo dabadeedna ay halkaas ku doorteen madaxweyne, hasa ahaate dawlada fedaraalka iyo dawladaha IGAD ay arinkaas ganafka ku dhuftay oo yiri waa qeyr sharci