Xildhibaano Mooshin Wada
Thursday - March 13, 2014
Xildhibaano gaaraya 70 ayaa diyaariyey mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah xildhibaanadaas.
Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay sugayaan xiliga la furo kalfadhiga Baarlamanka oo xiligaan fasax ku jira.
Xildhibaanada ayaa moshinkooda ku sababeeyey in dalka Soomaliya qatar ku jiro madaxweynaha uu masuul ka yahay qatarta soo wajahday Qaranimada Soomaliya.
Moshinkaan ay wadaan xildhibaanada ayaa dhawaan lagu salimi doonaa gudoonka Baarlamaanka marka ay furmaan kulamada Baarlamaanka, iyadoo mooshinkan hadii uu dhab noqdo uu qatar galin doono Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo xiligaan ay heysato karti laaan uu ku gudan layahay howlahiisa shaqo.
Mooshankaan ayaa la ogeen in ay dabada ka wadaan dowladaha reer galbeedka walow la huba in ay door weyn ku leedahay mooshinkaan dowlada Itoobiya oo dooneysa xiligaan in isbadal lagu sameeyo hogaanka dalka iyagoo ka urinaya urur diimeedyada
Mooshinkaan ayaa ku soo aaday uun dhowr bil kadib markii Wasiirkii koowaad ee Saacid looga taqalusay mooshin uu garwadeen ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud waxaase hadda la sugayaa waxa uu ku danbeyn doono mowshikaan ay wadaan xildhibanaada ka dhan ka ah Madaxweynaha Soomaaliya.