Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Hogaamiyaha Dalka Malaysiya Oo Shaaca Ka Qaaday In Dayaarada Maqan Si Ula Kaca Loo Lumiyey

Saturday - March 15, 2014

Raysul-wasaaraha Dalka Malaysia Najib Razak wuxu sheegay in diyaaradda Boeing 777 duulimaadka MH370 ayna ku dhicin wax shil ah, balse loo lumiyay si ula kac ah. Waxay dawladiisu meesha ka saartay in wax afduub ahi jiro. Najib wuxu intaa ku daray in diyaaradu duulimaad-keeda ku jirtay in ka badan lix saac markii ay ka baxday khadka Raadaalka diyaaradaha laga hago.

Sida ay cadeysay khuburada baaritaanka ku jirta, Diyaaradu waxay wadatay shidaal ay ku socon karto 8, saac iyo bar. Iminka waxa baaritaan hor leh lagu samaynayaa Inta uu shidaalkaasi sii wadi-karo Inta ka xigta afarta jiho Raadkii ugu dambeeyay. Waxa la soo afmeeray baaritaanka Bad iyo Barri dalalka China, Vietnam iyo inta ku dhaw dhaw ee wadamada bariga fog.

Waxa gurmadka kusoo biiray wadamo hor leh. “Fourteen countries are involved in the search, which is using 43 ships and 58 aircraft” Waxa baaritaanka ka qeybqaadanaya 14 wadan, kuwaasoo isticmaamalaya 43 markab iyo 58 diyaaradood. Iyagoo baaritaan hor leh ka bilaabi doona badweynta Hindia,dhanka kalana Kazakistan.

Maqnaashaha diyaaraddan ku dhex luntay caalamka casriga ah ayaa noqotay Mucjiso ku cusub gaadiidka hawada mara.