Sheeko Cibrad Qaadasho Leh by Axmed Laba-baale
Sunday - March 16, 2014
Wiil ayaa wuxuu jeclaaday gabar aad iyo aad u qurux badan. wiilkii Aabihii ayuu u tagay si uu ugu guuriyo gbadhaas u jecelyahay.
Aabihi wiilkii waa raacay laakiin marku arkay gabadha quruxdeeda ayuu ku yiri wiilkii Aabo adigu wiil yar baad tahay anigaa qof masuul ah oo qaadai-kara kana adkaan kara gabadhaane ee maandhow aniga ii dhaaf anaa guursanaye.
Wiilkii aad ayuu uga carooday hadalka u la yimi aabihi iyo sida uu u damaaciyey inanti u doonaayey inu guursado .. is faham la'aan kadib waxay isu la tageen nin sarkaal ah aabaha la dhashay. kadibna wiilkii ayaa u sheegay adeerkiis sida ay qisadu u dhacay iyo inuu inanti uu doonaayey inu guursado odagi aabihi marku arkay damaaciyey.
Sarkaalkii waxuu yiri gabadha ha la ii keeno, gabadhi ayaa loo keenay. Sarkaalkii marku arkay gabadha quruxdeeda ayuu ku yiri: labadiinaba waxaad sameysaan aniga ha la ii daayo gabadhaan quruxda badan aniga ayaa gursanaya waayo aniga waxaan ahay ninkii markay dadku is qabsadaan kala saarayey una dhaxeeyey marka aniga ii daaya. kadib jiq ayaa la isku noqday, sadexdi nin waa is mariwayeen.
kadib gabadhi ayaa hadashay waxay tiri ma anigaa isku kay haysataan. haa bay yiraahdeen, waxay tiri anaa idin kala saaraya. waxad sameysaan waan cararaya, kadibna kii ii soo gaara ayaa ii gursanaya, waayahay bey yiraahdaan . kadibna way carartay, sadxdi nin wey daba yaaceen sidey u daba yaacayeen ayey sadexdiiba god dheer ku dhaceen, wax ka saarana waa waayeen, dabadeed gabadhi intey godka afkiisa isa soo taagtay ayey tiri: ma garaneysiin cidaan ahay ama waxaan ahay aniga, waxay tiri waxaan ahay aduunyada oo waxaad isku haysataan ee aad daba-yaaceysaan waa aduunyada quruxdeeda, marka waxaad ogaataan ninkii jeclaada aduunyadaan ee daba carara inaanu gaareyn.
Qisadaan waxaad kaga cibra qaadan-kartaan in ninka isku mashquuliya aduunyada ti aakhirana ilaawa inaanu gaareyn weligi. .... walaahu waliyo tawfiiq .. qalinkii Axmed Laba-baale