Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Gabadhi Suxufiyada Talyaaniga Ee Hagar-daamada Siyaasadeed Loogu Dilay Mogdisho1994 Oo Kiiskeedi ...

Friday - March 21, 2014

Roma-Dowladda Talyaaniga ayaa markii u horeysay shalay (khamiis) shaacisay waxyaabo qarsoona oo la xiriira dilkii 1994-tii magaalada Muqdisho loogu geystay Saxafiyad reer Talyaani oo lagu magacaabi jirey ilaria Alpi.
 
Baarlamaanka Talyaaniga ayaa ka dooday qaabka uu u dhacay dilkaas, iyadoo kooxdii loo xilsaaray baaritaanka ay sheegeen in dilka uu yimid kadib markii uu fashilmay weerar lagu doonayay in lagu afduubto iyada iyo Kaamera maankeedii oo u dhashey dalka Slovenia laguna magacaabi jiray Miran Hrovatin oo isna lala dilay.
Saxafiyadaan ayaa la sheegay in ay Soomaaliya u tagtay in ay baaritaan ku sameyso in Dowladda Talyaaniga ay maalgeliso Urur qaabilsan in uu hub soo geliyo wadanka iyo qashinka lagu qubo badda.
 
Haddaba Mucaaradka bidix dhexe ayaa sheegay in aan la aqbali Karin natiijada baaritaanka, isla markaana tibaaxay in aan la keenin cadeymo buuxa oo muujinaaya in dilkooda uu la xiriira isku day afduub oo fashilmay.
 
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaashi Cumar Xassan ayaa lagu xukumay 26-sano oo xarig ah oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay falka. Xassan ayaa markiisii hore Talyaaniga u aaday si uu cadeymo uga bixiyo kiiskaan balse markii dambe xabsi daa’in lagu xukumay hase yeeshe laga qafiifiyay sanadkii 2001-dii.
 
Qareenadiisa ayaa ku doodaya in xilliga la dilayay labada Suxufi uusan ku sugnayn magaalada Muqdisho.
 
Sanadkii 1999-kii ayaa waalidinta Alpi ayaa buug ay qoreen ku sheegeen in dilka iyada iyo Camera man-keedii uu la xiriiray mid Siyaasadeed kadib markii ay soo arkeen Hay’ad hub u daabulayso Muqdisho oo ay xilligaas ka dilaacayeen maleeshiyo iyo hogaamiyaal kooxeed iyo weliba sun lagu daadinayay Badda.
 
Buugaas oo markii dambe loo bedelay filim ayaa lagu eedeeyay Hay’adda Sirdoonka Talyaaniga ee markaas la dhihi jirey SISMI, balse loo bedelay AISE iminka ay door weyn ka ciyaartay dilkaan.
 
Haddaba dilka Saxaafiyadaan ayaa weli ilaa iyo hadda meel loo saarin, waxaana xitaa la sheegay in meydkeeda aan wax baaritaano lagu sameynin iyadoo keliya laga qaaday sawiro