Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Sheekadi iyo Tiraabti Naf Jeceylka Laga Guntay Cigaal-Shidaad Oo Markaan Mareykan Garabsaday

Friday - March 21, 2014

Habeen habeenada ka mida hooygi Cigaal-shiddad deganaa waxaa darbigiisa ka soo dhacay Tuug. Xaaskii Cigaal-Shidaad ayaa jugta soo dhacaday dhaga-dhageysay waxayna si cod gaaban hurdada uga kicisay Cigaal, oo u sheegtay in guriga darbigiisa Tuug ka soo dhacay. Cigaal oo is yiri magac ha kaa hare geesi dhaba noqo ayaa xaaskiisi ku yiri: Sug gudaha ha soo gale, walle weligey ma gaasirin dhakada ka baxda waa la yaabine . dabadeed xaaskii ayaa hadana tiri war tuugu waa kuray yar oo aan baaluqin gudaha ayuuna soo galay. Cigaal oo jees-jeesteynaya ayaa yiri:Kureyga waaba mid darban aan waabaneyn ee Sug wax ha qaate. xaaskii ayaa hadana tiri; war Cigaal tuugi qaaday maacuunkii iyo wixi dhar xariga ku warnaa. markaasu ku jawaabay; Sug dibada ha ula baxe. waxay tiri war tuugi dibada ayuu wixii ula baxsaday, markii dambe ayuu Cigaal yiri; waxbaan la damac-sanahaye ee sug ha si durke .. Cigaal-shidaad intu deeyrka soo istaagay ayuu yiri; balaayo kula tagtay waa kuray daran oo ka daran duur shabeel galay.

Akhristow Sheekadaan waxaan u soo qaatay waxa maalmahaan ka soo yeeraya madaxda reer galbeedka oo aad moodo iney si gaara u jilayaan taariikhdi laga qoray Cigaal-shidaad ee ku saabsaneyd sida u naftiisa halista khataraha uga ilaalin-jiray,sidaa daraadeed waxaad hoos ka akhrisa sida reer galbeed u qaateen murtidi Cigaal-shidaad ee ay uga hortagayeen dulaanki ruushka u ku qabsaday Kiireemiya    

Aduunyadu waa harkaas, dhubuq-dhubuq hore dhaban hays dambe leedahay .. Mareykan iyo reer galbeed maalinti qulqulaatadu ka bilaabatay cariga Ukrain jaceylka ay u qabeen dalkaas awgi waa ay harsan-waayeen, waxay Bilaabeen khudbado beer-laxaawsi dhiiga ka da'yo iyo iyagoo bixiyey digniino ku aadaneyd midnimada iyo jiritaanka dalkaas Ukrain, waxayna si gaara ugu abhiyeen Ruushka inusan marnaba isku dayin soo faragalin dalkaas, balse hadey dhacdo u la kulmaayo ka hor imaad adag .. kadib Ruushki ayaa shan guutooyin ciidamadiisa xul ah soo galiyey Gobolka Kiirimiya .. Reer galbeed oo si qaadan-waa ah u anfariiray, ayaa yiri; kama aqbali-karno Butin inu mar labaad sidi Gorgia u qabsado Kiiriimiya waxayna hadalo qiiro leh ku yiraahdeen; Ruushow hadaadan kala bixin ciidamadaada Ukrain wixi kugu dhaca adigale-waaye ..kadib baarlamaankii kiiremiya ayaa cod aqlabiyad ah ku codeeyey iney ka xarig-furteen maamulka Ukreyn kuna midoobayaan walaalahood fedaraalka Dawlada Ruushka, waxayse isla markaa dadkooda u bandhigeen refaradum ay arintaas Maya iyo Haa ay ku codeynayaan .. Madaxdi Reer galbeed ayaa dhaartatay oo waxay yiraahdeen haddi referadum la qaado micneheedu waa dagaal .. referadumkii ayaa shacabkii oo jidbeysan u codeeyey boqlkiiba 90% Yes iyo fedaraalka ruushka oo lagu biiro .. Madaxdi reer Galbeedka oo weligood wax-wax ka diida arag liq-liq mooye  waxaa u soo baxday markaan xaaladu iney tahay liqi-waayey waxayna isku maaweliyeen: waxaas waa sheeko iyo iska hadal oo haddi Madaxweyne Butiin saxiixo waxaan sameyno waa la arki-doonaa .. Butiin oo kala ogaaday ragi ganay iyo kuwi galaday ayaa iska dhagooleeyey digniinta reer galbeedka dikareetadi midnimada Kiiriimiya qalinka ku adkeeyey oo halkaas guushi raacday ku hurgufay jaakadiisi, baarlamaankii daba-taagnaana waa ku raacay .. reer galbeed oo baf-baftoodi falisay yeekihi u dambeeyey ee gacntooda ku jiray, ku noqotay nabar xanuun badan oo gaarsiiyey in dunida munaafaqadooda laga yaq-yaqsado, ayaa isla markiiba carbkoodi badalmay, oo iminka iyagoo il-Qoolaadinaaya aloow leeyihiin iyo i-bixi-yoow i-bixi la dhuumaaleysanaya, waxay ugu dambeyn Af kor u taagoodi ku soo aruurtay; " Ukrain waa shacab la aqoonsanyahay, xumaha waa in la gargaarin oo aan la faragalin bariga iyo galbeedka Ukrin" taaso micnahu yahay Ruushow Kiiremiya waa idin xalaal oo wixii laga hadlaba waa bariga iyo galbeedka Ukrain