Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Dawlada Puntland Oo Digniin Culus U Jeedisay Somaliland

Monday - March 24, 2014

Baran - Dowladda Puntland ayaa mar kale degniin u jeedisay Soomaaliland oo dhaqdhaaq ciidan ka bilowday gobolka Sanaag, xili bartamihii bishaan uu booqday Laas-qoray madaxweyne Siilaanyo.

Wararka sheegaya in ciidamo ka socda Soomaaliland ay tegeen gobolka Sanaag ayaa soo baxayey mudooyiinkii dambe, balse shalay ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliland wuxuu sheegay in ciidankoodu yahay mid tababar dhamaystay oo dib ugu noqday deegaankoodii.

Taliyaha qaybta saggaalaad ee ciidanka daraawiishta Puntland gaashaanle sare Cabdullaahi Cumar Cashuur ayaa isagoo ku sugan degmada Baran, waxaa uu maanta la hadlay radio Daljir wuxuuna sheegay in soomaaliland ay waddo dhqdhaaq ciidan.

Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ayaa soo gaaray deegaanka Carmaale 00 75 km u jira degmada Baran ee gobolka Sanaag, sida uu sheegay Gaashaanle Cashuur.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran oo shalay la hadlay VOA ayaa Soomaaliland ugu baaqay in ay joojiso dhaqdhaaqa ciidan ee ay wado iyo collaada ay abuurayso, sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa u sheegay jimcihii idaacada radio Daljir in Puntland ilaalinayso xuduuddeeda gobolka Sanaag.