Saraakiisha AMISOM Oo Lagu Amray In Xubnaha Fawdada Ee Sheegtay 6-da Gobol Laga Saaro Baydhabo
Wednesday - March 26, 2014
Mogadisho-Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho isaga iyo 20 Xildhibaan oo Baydhabo u joogay arrimo ku saabsan sameynta Maamul Goboleed ka kooban 3 Gobol kaas oo ay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo waliba Ururka IGAD
Shariif-hassan iyo Xubnaha maanta ku soo laabtay Muqdisho ayaa la sheegay inay ka jawaabayan u yeeridii Guddoonka Baarlamaanka xubnaha Xildhibaanada ka maqan Muqdisho.
Ka hor intii uusan ka soo ambabixin Magaalada Baydhabo ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu la kulmay odayaasha malaaqyada Digil iyo Mirifle waxaa uu u sheegay in aysan macquul ahayn in lagu jiro fowdo iyo burbur wuxuuna soo jeediyay in loo baahan yahay in lala saan-qaado rabitaanka Dowlada iyo caalamka kaas oo ah in la sameeyo Maamul Goboleed ka kooban 3 Gobol oo kala ah Baay,bakool iyo Shabeellaha hoose ,waxuuna intaa raaciyey in isaga iyo wafdigiisa maalmaha soo socda deg deg ugu soo laaban-doonaan Baydhabo
Waxaa lagu wadaa in Shariif Xasan Muqdisho kulan kula yeesho Madaxda Dowladda ayna ka wada hadlaan sidii loo qaban lahaa shirweyne lagu dooranayo hogaamiyeyaasha maamulka 3 da Gobol.
Rag ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay macquul tahay in la is raaciyo afar Gobol oo kala ah Labada Shabeele,Baay iyo Bakool laakiin lama hubo sida ay u shaqeynkarto iyo in dhinacyada ay ogolaan-karan
Saraakiisha Amisom ayaa amar lagu siiyay in Magaalada Baydhabo ka soo saaran xubnaha sheegtay Maamul Goboleed ka kooban 6 Gobol kuwaas oo loo arkay inay fowdo ka sameynayan magaalada oo ay saameyn karto hawlgalada dagaal AMISOM ay kula jirto al-Shabaab