Baydhabo: Shirkii 3-Gobol Oo Lagu Doortay Madaxweyne Iyo DF Oo Laga Sugaayo Iney Aqoonsato
Thursday - March 27, 2014
Baydhabo-Shirkii maamul u sameynta saddexda gobol ee ka socday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa saaka lagu doortay madaxweyne, iyadoo xilka ay isku soo taageen afar murashax.
Doorashada oo ka dhacday hoteelka Bakiin ee Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 723 ergo oo ka kala yimid gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool oo ah gobollada uu maamulkani ka talin doono.
Sidoo kale,waxaa goobjoog ka ahaa doorashada guddiga doorashada iyadoo laga akhriyay goobta taariikh nololeedyada murashaxiinta xilkaas u taagnaa, iyadoo halkaas kadib ay tanaasuleen markii ay doorashadu billaabatay saddexdii murashax ee tartanka kula jiray Maxamed Xaaji C/nuur oo loo doortay madaxweynaha maamulka.
Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa kalsoonida siisay 713 mudane, halka 10 diidaday, labana ka aamustay, waxaana isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha la doortay, Maxamed Xaaji C/nuur oo doorashadiisa ka dib khudbad jeediyay.
Dhinaca kale dawlada fedaraalka ayaa looga fadhiya iney aqoonsato maamulkaas sadexda gobol ee laga dhisay halkaas taaso ku saleysan sida ay horay u sheegay maamulka madaxweyne Xasan Shiikh