Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Xildhibaano, Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Baay, Bakol Iyo Shabeelada Hoose Oo Ka Shiraaya Sidi Loo ....

Friday - March 28, 2014

Mogadisho-War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hotelada Magaalada uu ka socdo shir qado ah oo lagu taageerayo dhismaha Maamulka cusub ee koonfur galbeed ee Soomaaliya kaas oo maalintii khamiista doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Sida uu goor dhaw laga soo xigtayu Xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 60 Xildhibaan oo ka soo jeeda Gobolada uu ka kooban yahay Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Mustaf Guudow waxaa uu sheegay in laga maarmaan ay tahay in bulshada ka soo jeeda Goboladaas ay taageeran Maamulka Madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro bayaan ay si wada jira ugu taageerayaan Maamulka cusub ee koonfur galbeed isla markaana ay codsi u gudbinayaan DF si ay ugu dhawaqdo taageerida maamulkaas.