Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Maamulka Falastiin Oo Qaaday Talaabo Adag Oo Uu Mareykanku Diidanaa

Wednesday - April 2, 2014

Gaza-Madaxweynaha  Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa saxiixay go’aan in muddo ah horyaalay, kaasi oo ah in Falastiin aqoonsi caalami ah ka codsadaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Go’aankan ayuu maamulka Falastiin qaatay kadib markii Isra’iil ay diiday inay siidaayaan maxaabiista reer Falastiin oo horey loogu heshiiyey in maalinimadii sabtidii lasii daayo. Isra’iil ayaa ka baxday heshiiskii horudhaca ahaa ee sanadkii hore labada dhinac ku gaareen magaalada Washington.

Maraykanka ayaa ku guuleysan waayey inuu Isra’iil ku cadaadiyo siideynta maxaabiista, iyadoo maamulka Falastiin uu wakhtigii uu u qabtay Maraykanka iyo Isra’iil uu ku ekaa xalay saqdhexe.

Xukuumada Isra’iil ayaa iyadu hada ka baxday qodobo badan oo horudhac u ahaa furitaanka wadahadalka labada dhinac, qodobadaasi oo ay kamid ahaayeen siideynta 26 maxaabiis ah oo ay ku jiraan kuwo Isra’iil ku eedaysay argagaxisnimo.

Xubno kamid ah Xukuumada Isra’iil ee Benjamin Netenyahu ayaa sheegay inay xilka iska casili doonaan hadii dowlada Isra’iil ay siideyso maxaabiista.
Maamulka Falastiin ayaa hada go’aansaday in codsiga aqoonsigooda rasmiga ah ee dowladnimo ay hordhigaan Qaramada Midoobay, arrintaasi oo caqabado badan ku keeni karta Isra’iil oo xoog ku heysata dhulka Falastiin dooneyso in dowladooda ay ka dhistaan.

Maraykanka ayaa horey u sheegay in xiligan Falastiiniyiinta aysan arrintan Qaramada Midoobay u gudbin balse marka hore heshiis la dhex dhigo Falastiin iyo Isra’iiliyiinta.