Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Raiisal Wasaarihi Hore Cabdi Faarax Oo Ka Mid Noqonaaya Baarlamaanka Somaaliya

Wednesday - April 2, 2014

Mogadisho-Sida xog rasmi ah lagu helay Ra'izul Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa ka mid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Mr Saacid ayaa kursiga Xildhibaanimo waxa uu kala wareegay Xildhibaan ay isku heyb yihiin oo lagu Magacaabo Xildhibaan Cabdullaahi maxamed Xersi (Qorax).

Waqtiyada soo aadan ayaa la filayaa in Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cadi Faarax Sheyrdoon uu si rasmi ah uga mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, loona dhaariyo Xubanimadiisa Baarlamaanka.

Isbuucan horaantiisa ayey aheed markii Wasiiradii Hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyana kamid noqotay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay booska kala baxday Xildhibaan ay isku heeb yihiin.

Waxaa Soo baxaya Warar sheegaya in Ra’izl Wasaarihii hre ee Soomaaliya iyo Wasiiradii Arimaha Dibada Fowsiyo in lacag badan ku badasheen in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna doonayaan Xubnahan in aysan ka faaruqin Siyaasada Soomaaliya.