Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Diyaarado Helicoptero Ah Oo Warqado Digniin Ah Ku Daadiyey Degmada Xeebta Ku Taal Ee Baraawe

Thursday - April 3, 2014

iBaraawe-ilaa saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ayaa maanta gelinkii hore waraaqado ku daadiyay degmada Baraawe ee xeebta ku taal, halkaasoo uu horay uga dhacay howl gal fashilmay oo ciidanka Kumandoska Mareykanka ku qaadeen guri uu degenaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
6781-full-so

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xoogaga Soomaalida ayaa isu diyaarinaya duulaan ballaaran oo cir, dhul iyo badba leh ay ku qaadeen degmada Baraawe oo ah meel muhiim ah oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradaha oo joog hoose ku duulayay ay waraaqo hawada kaga soo daadiyeen, iyagoo ugu baaqayay waalidiinta in aanay u barooran wiilashooda ka mid ahaanshahooda Shabaab iyo inay soo sheegaan guryaha ay degan yihiin Saraakiisha Shabaab.

Sidoo kale waxaa dadka loo sheegayay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gulufka ugu jira la wareegitaanka degmada Baraawe oo ah degmo istiraatiiji ah.

Diyaaradahan ayaa waxay cabsi geliyeen shacabka ku dhaqan degmada, markii dhowr jeer ay ku soo dhowaatay xaafadaha dhinaca xeebta u dhow, waxaana si rasmi ah loo ogeyn dalalka laga lahaa diyaaradahan.

Dalalka reer Galbeedka ayaa la rumeysan yahay inay kaalin weyn ku leeyihiin howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, markii la arkay Saraakiil cadaan ah oo kala qeyb qaadanayay dagaaladii u dambeeyay ee Al-Shabaab looga saaray deegaano dhowr ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horay u qirtay in tiro saraakiil iyo ciidamo la taliyeyaal iyo tababarayaal ah ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada.