Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Gudoomiyaha Kaaraan Oo Diiday Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

Saturday - April 5, 2014

Mogadisho-Weergto ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max'ed Xuseen Muungaab ayaa xil ka xayuubin waxaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan.

Gudoomiye Muungaab ayaa gudoomiyaha degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan u geeyey warqada wareegto ah ee xilka looga qaaday, laakiin Guduumiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan ayaa Arintaasi ka buuqay gaashaankana u daruuray, isagoo islamarka ku hantaatacay oo yiri xaasid baa i helay warqadiina fadhigiisa ku Jeex jeexay Xilka looga Qaaday.

Has ahaate waxaa isna dhiniciisa Arintaan si weyn oga carooday gudoomiye Muungaab oo mudooyinkaan danbaba waday qorsheyaal xilallaka looga qaadayo gudoomiyaasha Degmooyinka Muqdisho.