Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Gudomiyihi Degmada Kaaraan Ee Ka Madax-adeegay Xil Wareejinta Oo Gurigiisa Ciidamo Lagu Caburiyey

Sunday - April 6, 2014

Mogadisho- Ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa saakay hareeyay Guriga uu dagan yahay Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasw Xasan, kadib markii uu ka biyo diiday in uu wareejiyo Xilka Gudoomiyaha Degmadaasi, waxa ay sidoo kale Ciidamada la wareegeen Xarunta Degmada Kaaraan halkaas oo xiligan lagu arkayo Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad Sugid.

Waxaa hada socda qorsho hubka looga dhigayo Ciidamada taageersan Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasow , Xaalada Degmada Kaaraan ayaana saakay ah mid ka badalan sidii hore , waxaana xaafada lagu arkayaa Ciidamo cusub oo aad u hubeesan.

Gudoomiyaha Degmada Karaaan ayaa dhawaan lagu wargaliyay in xilka laga qaaday loona geeyay Degreetada xil kaqaadista ,balse waxaa la sheegay in uu jeex jeexay kana biyo diiday in uu xilka si sahlan ku wareejiyo sida ay ku warameen Saraakiil katirsan Maamulka Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Jen.Xasan Muungaab ayaa la filayaa in uu tago Degmada Kaaraan uuna xilka si qasab ah uga wareejiyo Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi oo kabiyo diiday amarka xilka looga qaaday.