Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Boliska Ingiriiska Oo Somaliya Ka Baadi-goobaya Wiil U Dhalay Maalqabeen Yamani Ah

Tuesday - April 8, 2014

Wiil uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee dalka Yemen Shaher Cabdul-Xaq ayaa la sheegay in lagu qarinayo Somaliya gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Wiilkan oo magaciisa la yiraahdo Faaruuq Shaher Cabdul-Xaq ayaa waxa raadcaynaya bileyska dalka Ingiriiska iyadoo loo haysto dilka gabar u dhalatay dalka Norway oo maydkeeda laga helay meel ku dhaw guri uu Faaruuq magaalada London ka degenaa markay taariikhdu ahayd 16/3/2008.

Gabadhan oo magaceeda la yiraahdo Martine Vik-Magnussen ayaa waxa dadka ugu dambaysay abaaro labadii iyo saddexdii subaxnimo dhexdood 14/3/2008 iyadoo goor xiligaas ah ka baxday Night-Club iyadoo la socota nin dhalinyaro ah oo muuqaal Carbeed lahaa.
 
Baaritaan kadib bileysku waxay dilkii gabadhaa ku soo eedeeyeen Faaruuq Cabdul-Xaq kaas oo 14/3/2008 u duulay magaalada Qaahira halkaasna ay diyaarad Jet ah oo aabihii leeyahay ka qaaday ilaa Sanca, dabadeedna si qarsoodi ah loo si gudbiyey magalada hargeysa

Hadaba ninka wiilkan dhalay ee Shaher Cabdul Xaq ayaa waqtigi 20/12/2013 waxa dhinaca Somaliland looga saxiixay ruqsad u fasaxaysa inuu shidaal ka baaro kana soo saaro dhul ku yaala bariga Somaliland oo lagu magacaabo Block 19, Block 14 iyo Block 7 qayb ka mid ah.

Faaruuq Cabdul-Xaq joogistiisa Somaliland markii ugu horaysay ee la maqlay waxay ahayd bishii January 2014.Hase yeeshee waxa hada isa-soo-taraya raadadka tilmaamaya inuu wali hargeysa ku sugan yahay oo cid reer Somaliland ahi ku qarinayso kuna ilaalinayso halkaas.