Dayaaradi Wareerka Ee Malesiya Boeing 777 Oo La Sheegay Iney Beerka Dhigatay Kaymaha Afgaanistan
Tuesday - April 8, 2014
War la xaqiijiyey oo laga helay rag ka tirsan sir-doonka Ruushka oo qaabilsan siraha daahsoon, hasa yeeshe qariyey baaqa magacyadooda ayaa ka hadlay amuurta raadkii diyaaradi boeing 777 laga lahaa dalka maleesiya ee waaya-haanba dhalisay hadalo kutiri-kuteen, been iyo asraar ee ay ku jaaha-wareereen dacalada dunida.
Warkaan qarsoodiga ah oo ay soo xigtay wargeyska la yiraahdo Moskovsky Komsomolets ee ka soo baxa dalka Ruushka ayaa sirdoonkaas ka xigtay in si ogaansho ah dayaarada lagu jiheeyey dhinaca Afaganistan si qiil-qiil ahna ku dagtay oo iminka iyado baal ka jabanyahay ay taalo koonfurta bari ee magaalada Qandahaar .. wargeyska oo warkiisa si wata ayaa xusay in diyaarada si naf la caari iyo la tacaal sandula ah ay beerka dagtay dhul banaan oo ciid ah, mana jiro ayey tiri wax diidaya in diyaarada nooca Boeing 777 ku degto garoon aan laami ahayn oo gaari-kara illa 2000 mitir banaan fidsan ah .
Sida laga soo xigtay sirdoonkaas waxay sheegeen oo kale in diyaarada ay saarnaayeen 20 ka mid ah culimada sayniska atoomikada, waxayna dhamaantood ahayeen reer Eshiya, waxaase khubaradaas weheliyey Nin khabiir ah oo reerka Jabaan u dhashay .. wargeyska oo wax si xigtay waxuu intaa si raaciyey in dayaaradu eersatay fal afduub ulakac ah oo u sameeyey nin saan-cad ah " wight man" laguna neynaaso Hetsh, laakiin lama xusin magacyada iyo tirada raga hawshaas afduubka ka qayb qaatay .. waxaa kalo la sheegay in rakaabkii dayaarada saarnaa ay nabad ku daaqaan oo wax qatooyo iyo dacdaro aysan ka muuqan walow la yiri waxyaabo aan laaiq ku ahayn ayaa mar mar lagula kaca sida iyagoo koox koox min 7qof ka kooban loo kala qaybiyey, garda-duubna markii la rabo waa loo xira.