Madaxweynihi Hore Garbachev Ee Dalkiisa Waslad-Waslad Cadawga Ugu Shiilay Oo Dacwad Culus Lagu Furay
Thursday - April 10, 2014
Moskow-Xubno dhawra ah oo ciil deyn-waayey iyo caro ku garoortay, kana kala soo jeeda xildhibaanada axsaabta baarlamaanka "Duma" ee Russian federation ayaa wiigaan bilaabay dacwad culeys badan saaran-tahay oo ay daba dhigteen madaxweynihi hore ee Mikhail Garbachev ahaana hogaamiyihi khaaimay dalkii la oran jiray the Union of soviet socialist Republics. dacwadaas oo laga yaabo iney u sii gurguurato maxkamada sare ee dalkaas ayey hadda xubnahaas u si gudbiyeen office-ka crimea's prosecutor general mr. Yury Chaik oo laga dalbay inu si baaris iyo dabagal ku soo gunaanado kiiska khiyaamada qaran ee loo haysto madaxweynihi hore Garbachev, si maxkamad deg dega loo hor keeno .
Sida warkaan oo aan ka xiganay Tv-ga Russia Today aya faaladiisa ku carbaabay in Xildhibaanada dacwada gudbiyey ayaa sheegay in wixii muddo ay shib ka ahaayeen ay maanta jirto fursad wajiga looga dadban-karin khiyaamadaas munaafaq-nimada u sameeyey Garbachev, waxayna tilmaameen in madaxweyne Garbachev u ilig nacsnimo lahaa oo intu xilka hayey ma jirto si aan wax loogu sheegin looguna baaqay inu ka noqdo raali-galinta Mareykan iyo talada u dalka sovet-ka ku duleeynaayo, hasa ahaate isagoo wax jixin-jixin ah aysan ka muuqan ayuu si bareer ergadi u timi ku yiri ma ihi nin aad ka badali-kartaan ma jaraha aan haysto, taaso keentay ayey yiraahdeen Ruush inu dunida ka noqdo Gun,Tuke cambaar leh iyo karaamadi laan-dheernimadi Gobeed Ruushka ee ku qufuleyd dunida inteeda kale lunto oo halkaas shacabkii iyagoo malaayiin qaxooti ku ah dacalada dunida ay saxariirka gaajada dhabarku la qaansoobay, jeelasha reer galbeedka ku caweeyeen oo halkaas injir iyo dhiqle ku gashay.
Sida laga warqabo madaxweyne Mikhail Gorbachev ayaa intu xilka hogaaminaayey dalkaas u meesha ka saaray dagaalkii qabooba, oo si lama filaana sanadkii 1988 soo af-jaray dagaalkii 8-da sano ay kula jireen dalka afganistan, wuxuu kalo meesha ka saaray heshiiski is-bahaysiga dawladihi ul iyo diirkeeda isku ahaa ee falagiisa ku xeernaa, taaso keentay inu jabo xayndaabki darbiga Jarmalka oo dabadeed labadi Jarmal Bari iyo Galbeed unification ka dhaco .. dhinaca kale Main articles waxay ahayd marki biishi 26-dii december 1991 u si dikareeto ah ku kala diray dawladi the union of soviet socialist Republics oo qoloba dhinaceeda u madax banaanatay, iyadoo dawlada fedaraalka Ruushka ee iminka jirta ay waqtigaas dhabarka u dhigatay iney bixiso wixii deyn dalki soviet-ka horay logu lahaa iyo iyagoo aqbalay iney soo xareyaan wixii nuclear weapons ee yaala dalalki former soviet la isku oran jiray.