Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Caanaha Sida Dabiiciga U Garoora Oo La Cadeeyey Iney Daaweyso Xanuunka Beerka

Thursday - April 10, 2014

Qaahira- Daraasado cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa daahfuray in caanaha sida dabiiciga ah u garooraa ay ka hortag u noqon karaan kansarka, gaar ahaan noociisa abbaara beerka. Daraasaddan oo ay mar sii horreysay samaysay xarunta cilmi baarista Qaranka ee dalka Masar ayaa muujisay in caanaha garoorka ahi raad togan ku leeyihiin caafimaadka beerka.

Drs. Naayirah Muhanna' oo ah khabiir ka tirsan xaruntan ayaa sheegtay in daraasaddan ay ku ogaadeen in caanaha sida dabiiciga ah u garooraa ay qayb libaax ka qaataan firfircoonaynta iyo tayeynta shadqada hab dhiska difaaca ee jirka bani'aadamka. Sida ay sheegtay Drs. Naayirah, in tijaabooyinka ay sameeyeen muddadii ay cilmi baaristan wadeen ay ku ogaadeen in caanaha garoorka ahi (Karuurka) ay wax ka taraan ka hortagga in halbawlayaasha dhiiggu balqaan, iyo in unugyada beerku hawlgab noqdaan, sidoo kale waxa ay beerka ka ilaaliyaan dhiig-furanka.

Waxa ay daraasaddu caddaysay in caanaha garoorka ahi ay si weyn jirka uga ilaaliyaan kansarka beerka, isla markaana ay xaddidan in haddii uu kansarku ku dhaco beerka aanu ku faafin jirka kale, khubaradu iyaga oo daraasaddan ka duulaya ayaa ay wadaan in ay raadinayaan dawo lagula  tacaali karo cudurka kansarka. Sida ay daraasaddu sheegtay caanaha garoorka ah ee loo jeedaa waa kuwa si dabiici ah u garooray kumana jiraan kuwa lagu daray maaddo garoorinaysa.