Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Wargeyska Kaftan.Com Oo Leh aaway Siyaasiyiinti Leelkase

Saturday - April 12, 2014

Haba iska ahaate Kaftan .com, waxaa baryahaan asxaab isku xidideysatay, is xog wareysi ka dhexeeyo oo hadana is xaal og, badnaa waa wehel wanaagsan oo waqtiga la isla joogana si hagar la'aan ah ayaa la isgu miisaayo wixii News jiraa, hadalo murti u jan jeera kaftan.com iyo mahadhooyin waayo-aragnimo oo qofka u noqonkara sahay iyo saad uga dhigato amaseba isku dhaafsiiyo dhibaatooyinka noloshu kugu dhalineyso

hadal kasta ku jir, Somali Maryooley kama weyneysid cid ku qasta oo tashuush siyaasadeed kugu furta ..waayeel goobta fadhiyey aamusnaa dhabankana gacanta ku haya ayaa hal mar su'aal la soo booday oo yiri; oo horta xage ku dambeeyeen ragi siyaasiyiinta beesha ee dawlada noogu jiray.

 

Nin ka mida odayaasha meesha fadhiyey oo wixii miiska la fadhiyey ay jecleystaan inu isagu wax ka dhaho su'aashaa noocaasa ayaa inta koobkiisi kafeega hor yiilay fiiq-fiiq ka sistay oo sidi u isagu leeyahay dhulka cagihiisi ku kala fidiyey yiri " ragu waa badanyihiine keebaan ka hadalnaa. inta la is fiiriyey ayaa la yiri guud ahaan kuli waxuu yiri: mid raga ka mida hawshi loo igmaday waa gutay

haa haa sorry ee Ina xoosh Jibriil oo ahaa xidigi magaciisa meel dheer ku dhici jiray, dad wareershay, maanta nasiib daro kaba la'aan inu ku baxayo nin walba oo caqli leh waa u muuqatay, waxaa cajiib ahayd in ay gacanta ku dhigaan rag maafiya ah il- xayiig ah kuna caana baxay sida loo abuuro midab beenaadka biyaha u eeg ee dhalanteedka oo marki dambe u dhiibeen bambaano siyaasadeed oo hadba lagu oran jiray biinka uga bixi Kismaayo sey bohol ugu dhacaan, Cabdi faaraxna gawrac aan dhiiga ka muudsane, iyo inu Kenya ku cambaareeyo hawsha ay ka hayso Kismaayo, oo halkaas hankiisi mustaqbal siyaaso god yar oo madow ku miidaamiyey, waxaase siyaasadiisi si gablanti kadib markii u si caadifad ah keligi qaatay bistoolad aan gumac-rasaas ku jirin u kula dagaalamay dawladi iyo baarlamaanka isagoo leh "waxaan ahay Xaq U dirir". .. Arintu hadda waa ciyaarta xagee laga dheela .. Cwaeeska liido lacg laguma galo waa bilaash.

waxaa igi maqaala ninki ina Xoosh Jibriil ahaa oo mar sidi dayaaradi xiin-finika u duulaayey u markaan wax baacsigi iska daayey cirkaa ay dayaaradi la kici lahaday idaacadah u markaan si lama filaan ah lugihi uga banjareen oo socod uba daayey.