Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Cuduro Aan La Aqoon Nooca U Yahay Oo ilaa 20 Qof Ku Dilay Degaano Ka Tirsan Gobolka Bay

Monday - April 14, 2014

Baydhabo- Wararka laga helaayo gobolka Baydhabo gaar ahaan degmada Bardaale iyo deegaano hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Bay ayaa ku waramaya in cudur aan la aqoon waxa uu yahay fara ba'an ku hayo dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaasi.

Cudur oo ilaa iyo hadda dadka ay garan la’ yihiin ayaa la soo sheegayaa in ay u geeriyoodeen in ka badan 20 qof taasoo ay sii dheer tahay in xoolaha xitaa ay cudurkaasi u geriyoodeen.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ee goboka Bay Maxamed Isaaq Xasan (Ari Case) ayaa jirataanka cudurkaan lagu jahwareersan yahay ee aan la aqoon xaqiiijyey in dad iyo xoolaba ay ku le’deen.

Maxamed isaaq oo sii hadlaya ayuu hadalkiisa intaa ku daray in cudurkaan dadka iyo duunyada saameeyey uu leeyahay astaamo gooni ah oo qofka marka uu ku dhaco islamarkiiba ay bararayaan beerka kadibna daqiiqado kadib qofku uu u geriyoonayo.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolkaasi Bay Ari Case ayaa sheegaya in cudurkaan degmada Bardaale iyo deegaanada hoos yimaada lagu arakayo halkaasi muddo 2 bilood ah si looga hortagana ay codsi u direen hay’adaha Caafimaadka iyo dowlada Soomaliya.