Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Dhismaha Wadada Galdogob

Wednesday - April 16, 2014

Dhismaha Waddooyinku Waa Dheef Aan La Dabooli Karin W/Q:Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Kolay baraarujintu waa shay qaaliya marka diintena iyo dhaqankeenaba loo eego taas oo ah in wixii wanaag ah la sii xoojiyo si loo sii kordhiyo, halka ay tahay in wixii qaldamana la tilmaamo turxaan la,aan si loo saxo.

Sida aynu ka war qabno ama la wada socono dalka somaliland wuxuu ka mid yahay dunida sadexaad wadama loo yaqaan isla markaana waxaynu nahay ummad aan wax soo saar lahayn oo wixii aynu khayraad lahayn maaha mid aynu ka faa,iidaysanay ama isticmaalay ee waa wax qarsoon oo ah waxaan la taaban oo dihin, geesta kale qarankan aynu ku nool nahay waxa intaas u dheer amase u wehelisa in uu yahay qaran curdin ah oo imika uun ka soo doogaya dhibaato iyo dakanooyin hore oo badan. Sidaas oo ay tahay tan iyo ilaa intii aynu xornimada la soo noqoy waxa aynu ka war qabnaa in aynu hadba meel soo gaadhaynay taas oo ay xukuumadihii kala duwanaa midba meel soo gaadhsiinayay sidaa darteed waxa jirta in intii ay xukuumada maanta talada dalka gacanta ku haysaa ee uu hogaamiyo Mudane Ahmed Mahamed Mahamoud ( Siilaanyo) ayku talaabsatay waxyaabo badan oo ah xaga horumarka ah kuwaas oo ay ka mid tahay ta aynu maanta maqaalkeenan ku dul istaagayno, intaanan u daadagin dulucda maqaalkan kooban waxa xusid mudan marka aynu ka hadlayno dhismaha wadooyinka in ay tahay hawl aad iyo aad u adag inta badan waxa laga yaabaa akhriste in aad maqasho amaba la socoto in wadamada dunida sadexaad daymo lagu leeyahay hadaba ma is waydiisay daymahaas halka ay ka yimaaden ogow akhriste lacagahaas daymaha ah waxa ay u galeen waa wadooyinka siday u dhisan lahaayeene.


Hadiiba baxaadaas balaadhan ay leeyihiin qaranakeenuna aaanu dayn caalamka ka helayn oo aynaan wali si toos ah wadamada caalamka aynaan ugu mid noqon isla markaana aynaan ka maarmayn dheefta wadooyinka maxaa inala gudboon ka bulsho ahaan????????


Hadaba akhriste sidaan maqaalo hore ku tilmaanay marka aynu ka hadlayno dhismaha wadooyinka waxa jirta in qof kasta oo caqli leh isla markaana uu fikirkiisu xor yahay uu dareemi karo amaba uu garanayo in dhismaha wadooyinku ay yihiin dheef aan la dabooli karin ama la dhaylsan karin, isla markaana ay yihiin talaabo xaga wanaaga iyo horumarka loo qaaday.


Markaynu tilmaamayno ama shegayno dhismaha wadooyinku mahaa waxaan qalin iyo qoraal ku koobi karno balse waa baraarujin uun aynu leenahay mihiimadaas iyo in ka badan ayay  leeyihiin ee aynu hirgalino.


Hadii akhriste aynu dul istaagno dheefta ay inoo leeyihiin dhismaha wadooyinku waxa imanaysa su,aasha ah dheef noocee ah ayay inoo leeyhiin?


a)    Dakhli soo gala bulshada ( Income Earning)- dakhligaas oo soo galaya dadka ka shaqaynaya dhisitaanka wadooyinka, haday noqoto xoog iyo xeeladba, waxa Iyana dakhli ka soo galayaa dhamaan cida ay wax ka iibsadaan iyo cida agab ahaan laga soo iibiyo ee ganacsato ah.
b)    Yaraynta wakhtiga ( Time Saving)-  sida aynu la wada socono marka ay meeli wado tahay, waxa badanaya wakhtiga lagu gaadhayo, halka marka wado loo dhiso uu wakhtiga socdaalku kugu qaadanayo in ka yar intaad ku tagi jirtay kana fudud.
c)    In suuq loo helo dhulkaas laga sameeyay wadooyinka ( Market Creation)- marka uu dhulku wado leeyahay waxa fudud in wax laga soo iibsado waxna loo iibgeeyo, oo uu halkaas suuq ka samaysmo.
d)    Yaraynta kharasha isu socodka (Reducing Transportation Cost)- waxa aad hoos ugu dhaca marka waddo la hirgeliyo kharashka laysugu socdaalayo, haday noqoto mid alaab la geynayo ama mid laga keenayaba, in markaa ay ka yaraadaan intii lagaga keeni jiray ama lagu geyn jiray, waxa kaloo hoos u dhaca isna kharashaadka dadka rakaabka ah laga qaado, taasi oo ay sababto hoos u dhac ku yimaada shidaalka uu isticimaalayo gaadhiga xamuulka ahi iyo ka rakaabka ahiba, taasi oo ay keentay wadada fiican ee la sameeyay.


e)    Bad –baadada nolosha binu aadamka ( Saving Human Lifes or Human Capital)- marka ay waddo jirto waxa aad hoos ugu dhaca dhimashada iyo shilalka aadka u xun ee ka dhaca wadooyinkeena taasi oo ay keento waddo xumo, markaa halkaas waxaa ku qudh baxa mar walba dad aad u tiro badan oo ah xoogii iyo maskaxdii dalkan ee kobcin lahayd dhaqaaalaha wadanka iyo hogaaminta bulshada, taasi oo ay ka markhaati kacayso inta siyaasi iyo aqoon yahan iyo muruq maalba leh ee inagaga baxa goor walba.


F)  Adkaynta amaanka  ( Sustainbilty of peace ) wadadu sideedaba waxay fududaysa in si aad iyo aad ah amaanka loo ilaalin karo islama markaana loo gaadhi karo meeshii ay waxka soo kordhaan taas oo ah in ay ciidanka amaanku si sahlan u mari karaan

G)  Koradhka waxbarashda ( Educational Increasment )  isku xidhka iyo wado u helida deegaanadu waxay kentaa in waxbarashadu ay ku fido dhamaan dhulka oo ay sahlanaato in si fudud loo gaadhi karo haday tahay mid dawladeed iyo mid gaaraba

H) Kordhinta awooda Maamul ( Institutional Strength ) waxa badata in awooda maamulku ku baahdo isla markaana ay gaadho deeganada dhamaantood markay wado leeyiih gobol ilamaa tuulo in si isku mid ah loo wada gaadhsiiyo awooda isla markaana looga wada faa,iidaysto khayraadka

I) Maamul Daadajin ( governmental Decentralization)  waxay wadadu keensataa in maamulka dawlada la daadajiyo oo uu gaadho halka ugu hosaysa taas oo ah in shaqada iyo hawsha qaraku fududaato isla markaana xogta iyo xaalada kala duwan si dhib yar oo fudud loo waajihi karo isla mar ahaantana markaba la xalin karo wixii soo kordha

J) Ilaalinta deegaanka (Environmental Protection) wadadu waa shayga kaliya ee sahla in laysugu socdaalo si sahlan ama isugu xidha deegaanada si fudud habada akhriste deegaanka oo aynu ognahay mihiimada uu leeyahay oo hadii uu kharibmo ama dhib kale

K)  Kordhinta caafimaadka (Increasing health service)  sideedaba marka meel dariiq ama wado ay jirto wax si fudud u gaadha adeega caafimadka haday tahay mid dawladeed iyo mid gaara waxaana sahlanaata inay si fudud isugu socdaalaan gobol ilaa tuulo
ku timaado inay nolosheenu halis galayso  waxa keenaya in aynu ilaalino ama dhawrno waa marka aynu helno wado waana mihiimada ay leedahay

Akhristaha sharafta iyo karaamada mudanoow hadiiba aynu waxoogaa ka xusnay dheefta dhismaha wadooyinka miyaanay inaga mudnayn ileen dheeftaasi maaha mid aynu ka maarmayne inaynu u guntano sidaynu dhamaan wadooyinka dalka ka socda ka wada qayb qaado inaga oo tacabkeena iyo taladeeena isu gaynayna
Taladoynu midayniyo
Tacabkoo isu geynaa
Ku taami karnaay
Tubta noloshee
Taana ha la ogaado
Waxaana akhriste lagama maar-maan ah inaynu guntiga dhiisha isaga dhigno sidaynu u horumarin lahayn dalkeena gees walba, inagoo ka duulayna tixda ah:
Waxa taransataa
Tiro kuu galoo
Lagugu tilmaansadaa
Tacabkaaga iyo tamartaadu
Way ku tilmaamayaan
Waanay ku toosiyaan

Waxaan xusid mudan in wadadu tahay wax cid waliba leedahay ee ayna ahayd wax reer ama dawlad gaar ahi ledahay balse dawlada dhistaa ay maamuus ahaan taariikhda ay ugu galayso markaa wixiiwanaaga ee inoo soo kordha waxa haboon inaynaan siyaasadayn islama markaana qabyaalada kadayno horumarka manaafacaadka wadada meel laga dhisaaa maaaha mid meshaas uun ku kooban ee waa mid dhamaan dalka wada gaadhaya.


Waxaa akhriste iga dardaarana inaynu hiil iyo hooba ku taageerno talaabadaas dhisitaanka wadooyinka ee wax u taraysa dalkeena, dadkeena iyo dhaqaalaheenaba.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ra-yiga-Dadweynaha/Dhismaha-Waddooyinku-Waa-Dheef-Aan-La-Wadaagi-Karin-W/QLiibaan-Ismaaciil-Cabdilaahi.html#sthash.IEOFlYn6.dpuf