Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Naxdin Weynaa- Wiil 20 Jira Oo Hoodayiis Ku Diley Magalada Copenhegan Ee Dalka Denmark

Thursday - April 17, 2014

Waxaa aad looga argagaxay hadal haynta arin shalay ka dhacday caasimada copenhegan dalka Denmark oo la xariirta wiil Soomaali 20 jir ah oo si horornimo ah u diley hooyadiis. ma daama aan la qabana illaa hada lama oga sababta uu u diley hooyadiis,sida warku sheegay amase laga xigtay ehelada xaafada dariska wiilka dilka hooyadiis waxuu u isticmaali mindi

Alla ha u naxariistee Hooyada la diley ayaa dhashey 8 Caruura, xiliga dilku dhacayayna Caruurtu guriga ayay joogeen ilaa ay ka war-heleen Dad dariska ah shanqar aan caadi ahayn oo guriga ka yeereysa.

Booliska Copenhegan ayaa baadi goob ugu jira wiilka geystey Dilka, iyadoo Marka uu diley uu ka fakadey guriga, waxayna Bileysku u badinayaan inuu Xaafadaha ku dhuumaaleysanyo.