Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Reer Jubaland: Neecaw Qabow Iyo Dabeyl Nafac-laa Timi, Niyadna Waa U Ladnay Hurdada

Thursday - April 17, 2014

Kisimaayo- Sida ay noo soo tabiyeen dadka reer kismaayo ee u dhuun daloola booqashadi u ku yimid R/W Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa si guud noogu sharxay hawlgalada u halkaas ka sameeyey ee la xariira maslaxaada dhinacyad dudsan ee la doonaayo in loogu gogol-xaaro nabada iyo horumarka magaalda . waxaa aad iyo aad loola yaabay siyaasada iyo falsafada ididiilada leh oo u la yimi cabdiweli .. Cabdiweli ayaa intu socdaalkiisa ku mushaaxayey magaalada waxuu shirar kala duwan la qaatay bulshada kala duwan ee halkaas ku nool , wuxuuse gaar ahaan iyo si goni-gooni ah shir ula qaatay duqeyda guurtida xulka ahayd iyo indher-garadka lagu dugaalo ee beesha Sade oo maalmo iyo habeeno loo kala harin. shirkaas oo doodiisa xooga la saaray dhinaca ashtakada iyo saluuga ay qabaan kooxda Bare Hiiraale iyo kaalinta reer Sade ay kaga jiraan dhismaha jubaland.

Shirkaas oo maalmo iyo saacdo dheeraad ah qaatay waxaa ugu dambeyn ku dhamaaday hawraarsan iyo in si buuxda looga hortago wax yeelada doc-kasta ka imaanaya ee lagu majaxaabinaayo maamulka Jubaland iyadoo si wada jira xag-xagashada laga daayo hogaanka maamulka hadda jira iyo xasiloonida magaalada, waxaa isla markaa si wada jira loo wada qaatay in Naamuuska iyo magaca reerka Sade laga ilaaliyo cidkasta oo karaama dileysa, isla markaana Bare hiiraale lala hadlo lana siiyo talo gacalnimo oo u kaga haro hagardaamada u la damacsanyahay beesha dhexdeeda iyo maamulka Jubalandba.

Riisal wasaare C/weli ayaa isagoo ka shidaal qaadanaaya Talada ikhyaarta gar-madoobayaasha iyo guud ciroli ee reer Sade waxuu khadka taleefoonka kula xariiray Bare Hiiraale iyo Kooxdisi ee sida karantiilka ah ku joogta Goob-weyn , waxuuna si nasteexo ah ugu sheegay in cadaadis culus u kaga yimi dhinaca beesha caalamka oo ay ka goys haystaan macnadarada joogistaada magalada Goob-weyn, taaso nagu kaliftay ayuu yiri inaan ku soo abaarno kuna wargalino in reer Sade heshiis buuxa qaatay ee fadlan dhabti aragtay muranka jooji oo ka soo-kac meesha iyadoo diyaar loo yahay in soo dhaweyntaada kismaayo lagu karaameyn-doono, hasa ahaate Bare Hiiraale isla markiiba jawaab ma siin, balse waxuu codsaday in la siiyo waqti u soo jeedintaas kaga jawaabo, waxaase la sheegay in maalinti dambe jawaabtiisi kaga af celiyey hadal tiro tiraabeysa iyo xujooyin ujeedadu tahay diidmo xagal-daacsan .. waxaase odayaashi reerka talada u ku so celiyey C/weli ku yiraahdeen; ka bax warkiisa iyo baruruftiisa been iyo qoris is-marisnimo bu shubayaaye.

Laakiin waxaa la sheegay in saraakiil dhawra iyo askar isaga la dudsaneyd ayaa markii dambe qiray in Col. Bare la garan-waayey dhinac loo raaco iyagoo leh War naga keena Ninkaan cirka iyo dhulka dhexdooda walhanaya .. kadib kismaayo soo galeen, sheegeen iney diyaarna u yihiin dalkooda kana difaacayaan cadawga .. si wanaagsan oo waliba sooryo leh ayaana loo soo dhaweeyey.

Gunaanad- Nin Leader-nimo u suuban ayaa madaxiisa Taaj la saara .. Cabdiweli Shiikh waxaa beryahaan dacalada dalka intiisa badan looga tilmaamaya in xikmada loobiga siyaasadisa gaarka ah iyo geed adeyga, xilkasnimada ereyadu ganaayo, doodiis celin-kara, u yahay haleyey lagu gaban-karo, isla markaana u maanta dhigay taariikh gu'weyn oo lagu xasuusto, waxaana wax laga xumaada ah iyo yaabkanu aragnay, kiis iska waal sabab la'aaneed ee ay wadaan idaacadha maxaliga ah ee mogdisha, waawareyda, uu uuda iyo xumaanta qaylada ku hawlan masiibada, hoobaaq qodaaya, been ay hurgufaan lagu hafraayo wanaaga u sameeyey .. laakiin ha loo sheego jamaacdaas in been iyo blah- blah-ba ay isa soo gabeen .. ha loo sheego in been lug kaliya leedahay, oo waxay si shaqeysa oo qura inta tan kaliya la qaban, markii la helana oo macsaro laga tuujiyana bey beentu isku dhacda sidi qori xagar galay.

                                                                    Galdogob Times News Desk