Xildhibaankii Labaad Oo Lagu Dilay Maanta Magalada Mogdisho Iyo Sadex Wiil Oo Dilkiisa Loo Qabtay
Tuesday - April 22, 2014
Muqdisho- Allaha u naxariistee waxaa saaka magaaladda Muqdisho lagu diley xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal oo ka tirsanaa golaha Baarlamaanka ee dowladda Faderalka Soomaaliya.
Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacey degaan lagu magacaabo tabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley oo u daganyahay, waxaana dilka xildhibaanka gaystey kooxo ku hubaysnaa hubka fudud,iyadoo kooxaha dilka gaystey ay markiiba ka baxsadeen goobta dilku ka dhacey.
Xildhibaanka la diley ayaa markaas u soo socdey xarunta golaha Baarlamaanka halkaas oo ay Xildhibaanadda dowladda Faderalka Soomaaliya ay ku lahaayeen fadhi ay uga doodayaan Miisaaniyadda dowladda Muqdisho.
Maalintii shaley waxaa sidaan oo kale magaaladda Muqdisho qarax lagu diley Allaha u naxariistee Isaaq Maxamed Riino,ayadoo ilaa hadda boliska ay sheegeen iney u qabteen sadex wiil dhalinyaro ah oo ka dambeeyey dilka marxuumka maanta la dilay, halka xildhibaankii shalay gaariga lagu qarxiyey aan weli cidna loo qaban