Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Khilaafka Ka Jira Cabdi-Weli Shiikh Iyo M/weyne Xasan Shiikh .. By Nuuradiin M. Mukhtar Dinow

Tuesday - April 22, 2014

Waxaa muddo soo jiitamayay khilaaf la sheegay inuu u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Raíisal Wasaarihiisa Cabdiweli sheekh Axmed,waxaana la soo sheegaya in saameynta khilaafka laga dareemay howlaha ka dhex socda baarlamaanka iyo Xukuumadda.
Khilaafka Labada hogaamiye oo soo bilawday 5 maalmood kadib markii Cabdiweli sheekh Axmed loo magacabay Raíisal Wasaaraha dalka,wuxuuna soo maray khilaafka wejiyo badan iyo is qabqabsi magacabista Golaha Wasiirada, arrimaha jubbooyinka iyo Road map-ka cidda hogaamin doono.

Sida aynu ka soo xiganay xubno ku dhaw dhaw Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo Raíisal Wasaaraha haatan khilaafku waxaa uu sababay in labada nin ay wada joogan iyagoo aan heshiis ahayn balse danta isku hayso.

Waxaa jiray Mar Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugnaa Magaalada Nairobi dhamaadkii bishii hore waxay halkaas ku kulmeen Axmed Madoobe hogaamiyaha Maamulka Jubba, sida ay sheegayan wararka AXMED MADOOBE ayaa ka dacwooday Raíisal Wasaare C/weli,wuxuuna u sheegay madaxweynuhu in faragelinta C/weli ee arrimaha jubbooyinka wax laga qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axmed Madoobe u ballan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha labada nin isku haystaan waa Axmed Madoobe iyo Raíisal Wasaare Cabdiweli

Laakiin Safarkii dhawaan Madaxweynaha ku yimid dalka Beljamka waxaa Xasan Sheekh u qorsheysanaa marka uu ku laabto Nairobi inuu u sii gudbo Magaalada Kismaayo Balse taasi ma dhicin.

Raíisal Wasaare Cabdiweli ayaa qorsheystay safar isaga isku xirtay, wuxuuna u sheegay madaxweynuhu in isaga Cabdiwli ahaan u socdo Kismaayo taas oo Madaxweyne Xasan Sheekh La yaab ku noqotay.

Raíisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Kismaayo ayuu tagay, Axmed Madoobe ayay is arkeen xaaladii taagnayd wax badan ayuu ka bedelay laakiin waxaa uu qorshaha ku soo daray Barre Hiraale iyo Axmed Madoobe inuu wada hadalsiiyo.

Arrintaas Madaxweyne Xasan Sheekh ma doonaynin marna kuma uusan farxin sida ay wax u dhaceen.

Halkaas qeyb ayuu ka yahay Khilaafka hadda soo baxay ee ka dhex taagan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raíisal Wasaare C/weli.

ARRIN KALE OO AH SILSILAD ISKU XIRAN BALSE KALA DAN AH.

Waxaa muuqata hadda in Xukuumadda Ra”iisal wasaare Cabdiweli iyo Baarlamaanka isku xiran yihiin, wax walba oo baarlamaanka soo meel mariyo Xukuumada horey ayay ka taageeraysaa.

Joojinta qaadashada ID karka, ka joojinta howlo Shirkad Turki ah ka fulin lahayd Dekedda Muqdisho, arrimo kale oo garoonka Diyaaradaha ka jira dhamaan waa arrin ay iska kaashadan Afhayeenka Baarlamaanka, ku-xigeenadiisa iyo Raíisal Wasaare Cabdiweli. Labada hayádood isku aragti ayay ka qaateen.

Balse Madaxtooyada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh arrimahaas aad ayay uga xumaadan kumana faraxsana talaabada Baarlamaanka iyo Xukuumadda ku joojiyan howlahaas.Halkaas khilaafka qeyb ayuu ka yahay, waxaana ka taagan muran aad u weyn.Hase yeeshe Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isaga dan hoose ayaa u geysay Raíisal Wasaaraha ee maba doonayo Road map-ka cusub.

Howshiisa hoos ayuu ka wataa, Guddi Dastuur ayuu magacabay oo Maryan Cariif Qaasin Madax u tahay, Guddigaas ma aha kii Dastuurka ku qornaa ee Dowladda looga fadhiyay inay soo magacawdo, waa Guddiga Jawaari jeebkiisa kala soo baxay waaye.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu doonaya in meesha laga saaro ROAD MAP-KA CUSUB, taas iyo arrimo kale ayaa ku qasabtay inuu isbaheysi la noqdo Raíisal Wasaaraha.

ROAD MAP-KA CUSUB

Road map-ka laga soo diyaariyay Xafiiska Madaxweynaha ee loo gudbiyay beesha Caalamka ayaa muran ka taagan yahay ciddii hogaamin lahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu doonaya inuu rag isaga ku dhaw ay hogaamiyan Road map-ka taas oo laga yaabo inay mustaqbalka saameyso Raíisal Wasaare Cabdiweli sheekh Axmed.

Laakiin Raíisal Wasaare C/weli ayaa dhankiisa doonaya in isaga ama shaqsi isaga ku dhaw hogaamiyo si meesha looga saaro ujeedooyinka qarsoon ee Madaxweynaha.

international community arrimaha ka dhex dhacaya iyo waxyaabaha ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raíisal Wasaaraha aad ayay ula socdaan laakiin waxay sugayan inta ay waxyaabaha hoosta ka socda banaanka ka imaanayan.

Sida la ogsoon yahay  Road map-ka hore ee xilligii Sheekh Shariif waxaa waday oo awood badan ku lahaa xubno uu ka mid ahaa Jabriil Xoosh, C.weli Gaas, oo dhinaca xukuumada ka socday, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinac Baarlamaanka ka socday, Sheekh Shariif iyo xubno la socday iyo Faroole oo Puntland ka socday, waxaa kaloo howsha qeyb ka ahaa koox la sameystay ee Ahlu suna ka socday.

XASAN SHEEKH MA KU DHICI DOONTA ARRINTII QABSATAY C/LLAAHI YUUSUF 2008.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in cabsida jirta ee ah Haddii khilaafkan xoogeysto ma dhici doonta in Madaxweyne Xasan Sheekh kolkiisa la yiraahdo is casilay maadama Raíisal Wasaarihiisa koowaad is qabteen murankodana baarlamaanka lagu xaliyay oo Saacid meesha ka baxay markan ma dhici doonto in la yiraahdo Xasan isaga tag Xafiiska oo is casilay, taas oo la og yahay in C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi markii ay is qabteen Geeddi baxay laakiin markii C/llaahi Yuusuf iyo Ra;iisal Wasaarihii Nuur Cadde is qabteen Mareykanka ku qasbay in C/llaahi Yusuf is casilo.

Arrintaas hadda ma dhici doonto ayay leeyihiin dadka la socda Siyaasadda Soomaaliya waayo markaas Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Raíisal Wasaare Nuur Cadde is qabanayan waxaa socday wada xaajood u dhaxeeyay Dowladda Nuur Cadde iyo Isbaheysigii Labada Shariif ee Asmara, taas ayaa keentay in C/llaahi lagu qasbo inuu is casilo.

Xilligan waxba ma socdaan, ma jiro wax diyaarsan Caalamka iyo Soomaalida sidaas darteed haddii mucjiso deg deg ah dhicin lagama yaabo in beesha caalamka ay ku deg degan in Madaxweyne Xasan Sheekh is casilo.

Ugu dambeyntii waxaan isku dayday inay warbixino ka helo wasiirada iyo Baarlamaanka xubno ka tirsan si arrimaha taagan aan ugu wareysano balse cid kasta waa ay ka gaabsatay inay arrimahan ka hadlaan, hase yeeshe dhinacyadaas oo dhan waxay qireen inuu jiro khilaafka Labada nin ee waa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raíisal Wasaare C/weli.