Taliyaha Nabadsugida General Goobe Oo Tilmaamay In Madaxda Dawlada Ay Ka Masuul Tahay Amni-Xumida
Saturday - April 26, 2014
Mogadisho- Taliyaha ciidanka Nabad Sugida dowladda Federaalka Bashiir Maxmed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ku eedeeyay Madaxda Sare ee dowladda Federaalka in ay iyagu masuul ka yihiin amni xumada ka tagaan Magaalada Muqdisho iyo dhamaan Soomaaliya oo dhan, kadib markey had iyo goor amar ku bixiyaan in la sii daayo dambiila-yaasha ay gacanta ku soo dhigaan ciidamada amniga DF ee la doonayo in maxkamad la soo taago oo lagu qaado danbiyada ay galeen.
Bashiir Goobe ayaa hadalkaan dhawaan ka sheegay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho oo lagu qabtay magaalada Xamar, asagoo ay caro xoogan ka muuqato wajigiisa.
Bashiir ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in aan amniga waxba laga qaban karin, mar hadii la sii daaynayo kooxaha qaraxyada iyo dilalka ka geysta Xamar.
Hadalkana kasoo yeeray masuulka ugu sareeya hayada Nabad Sugudi DF, ayaa ku soo aaday xili uu Madaxweynaha DF Mudane Xasan Sh. Ku eedeeyay hayadaha amniga DF ay ka gaabiyeen sugida amniga.