Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Mr. Nikholas Kay Oo Sheegay In Sharciga Caalamiga Ay Meel Gaara Ka Taaganyihiin Goni-gosadka S/land

Saturday - April 26, 2014

Mr. Nicholas Kay, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay lagu weydiiyay arrimaha Somaliland iyo weliba wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya. Mr. Kay wuxuu sheegay inaanu xafiiskiisa iyo dunidu toona weli aqoonsan Somalialnd, “Waqtigan xaadirka ah meel cad oo muuqata oo ku salaysan sharciga caalamiga ah ayaanu ka taagannahay Somaliland, ma’aha dal ay ciddi aqoonsan tahay.” Ayuu yiri, waxaanu intaas raciyay “Laakiin waa ay xooggan tahay shucuurtooda qarannimo iyo himilada madax bannaanidooda.”

Mr. Kay wuxuu sheegay in wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ay meel wanaagsan marayaan, waxase uu tilmaamay inaanay weli u gudbin dhinaca siyaasadda oo ay ku koobanyihiin dhinaca wax wada qabsiga arrimaha bulshada.

Mr. Kay wuxuu sheegay inay xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay ka hawlgalaan Somaliland, “Xafiisyada Qaramada midoobay ee caawimada iyo barnaamijyada horumarintu way ka shaqeeyaan Somaliland, laakiin xafiisyada ayaan ka shaqayn.” Ayuu yiri Mr. Kay.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya oo uu tilmaamay inay dawladda Turkigu xil iska saartay.