Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Siyaasadi M/weyne Xasan Sh.Oo Noqotay Buste Qoyan Iyo Madaxda Afrika Oo Indho Fiyow Ku Eegtay P/Land

Sunday - April 27, 2014

Magaalada Bahardar ee dalka Ethiopia waxaa ka furmay Shir looga hadlayo Amniga Qaarada Afrika, waxaa furay shirka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Etobiya Mudane Hailemariam iyo Madaxa soo qalqaalisay gudiga shirkani ahna Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo.

Shirkan oo ahmiyad balaaran u leh  Qaarada Afrika ayaa waxaa ka soo qayb galay madax sare oo ka kala yimid wadamada waaweyn ee qaarada Africa sida Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Axmed Albashiir iyo madax kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiwali Gaas oo waayaahan si fiican uga muuqday masraxa siyaasada geeska Afrika ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka Amniga Qaarada Africa, waxaana lagu wadaa inuu maanta khudbad xasaasi ah ka jeedo goobta uu shirkani ka socdo, Gaas ayaa ah qofka dalka Somalia u matalaayo shirkani, waxaana la sheegay in madaxda afrika ay barasho hor leh iyo janjeerid siyaasadeed u yeelatay dhinaca maamulka puntland state.