Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Wargeyska Atlantic Council: Mareykanka Oo Dhaliilay Hanaanka Dawlada Somaliya

Sunday - April 27, 2014

Xigasho newsomali- Sida lagu daabay Wargayska Atlantic council, Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa siyaasadiisa ku aadan dowlada federaalka Soomaaliya u kala qaybiyay qaybo kala duwan, waxeyna dowlada Mareykanka si diplomaasinimo u aqoonsatay dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudanthay in sanadii aynu ka soo gudubnay ee 2013 Warbxin sanadla ah oo Congoreska Maraykanku uu ku qiimeeyo khatarta Caalamka uu agaasimaha laanta Sirdoonka Qaranka Maraykanka James Clapper uu ku sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay la degeen dagaalo Siyaasadeed oo iyada ka dhexjira iyo hogaan daciif ah oo uu ku tilmaamay Madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud , isagoo sidoo kale xusay in xafiisyadda dowlada ay san sidii la rabay u qalabaysneen, James Clapper ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxmuud ay tahay caqadaba kaliya ee haysata amaanka geeska Africa, waxa uuna ka dalbaday dowlada Maraykanka in ay dib uga laabato goÂ’aankii ay ku aqoonsatay dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri Warbxinta.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Madaxweynihii dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmad uu lacag ka badan $7 Million oo dollar oo uu ka helay gacanka Cadmeed dowlada ku yaala, si uu ugu iibsado Kurisga Madaxtinimo markale lakiin nasiib xumo qaar ka mid ahaa Xubnihii wax dooranayay ayaa markii ay niyad jabeen waxa ay ugu shubeen codkooda Xasan Sheekh Maxmuud oo ahaa dhaq dhaqaaqe Bulsho kaas si aad ah ugu dhow Dhaq dhaqaaqa Islaamiga ah ee AL-ISLAX sida lagu yiri warbxinta.

8 Bilood ka dib doorashadii Madaxeynaha dowlada Soomaliya Xasan sheikh Maxmuud ayaa dowlada federaalka Soomaaliya waxa ay yeelatay 2 Raysul wasaare iyo sidoo kale isku shaandayn dhanka Wasiirada ah oo aan la koobi Karin la sameyay sida lagu xusay warbxinta.

Warbixinta aya sidoo kale lagu xusay in Madaxihi Bankiga dhexe ee Soomaaliya loo magacaabay Yussur Abrar, oo ah shaqsi haysata dhalasahada Maraykanka asal ahaana ka soo jeeday Soomaaliya, lagu qasbay in ay iscasisho dabayaaqadii Sanadii tagtay ee 2013 kadib mudo 2 bil ah oo xafiiska ay joogtay, waayo waxa ay diiday Musuq maasuq ka yimaaday dhanka Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheikh Maxmuud iyo Wasiiradii Arimaha Dibada Marwo Fowsiyo yuusuf Xaji Aadan, arintaasi oo markii ay soo shaacbaxday Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos kay uu ku tilmaamay in dhirbaaxo ay ku tahay is aaminaadi ka dhaxaysay dowlada Soomaaliya iyo wadamaada Deeq bixiyaasha, xiligaasi kadib Yusur Abrar waxa ay ka carartay Magaalada Muqdisho iyadoo amankeeda u baqaysay waxa ayna soo gudbisay iscasilaadeeda marki ay tagtay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yiri waxyaabaha ay dowlada ku fashilantay waxaa ka mid ah hubka dowlada la siiyo in loo weeciyo dhanka Xarakada Shabaab ayna arintaasi fududeyaan la taliayasha Madaxwynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxmuud.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in dowlada Soomaaliya in ay si joogta ah u weerartay Warbaahinta Madaxa Banaan ee ka howlgala Magaalada Caasimada ee Muqdisho, waxaana jirta sida warbixinta lagu sheegay xarig wariyaal iyo xarumo warbaahineed oo albaabada loo laabay.